Rasmi :FIFA Oo Tirada Qaramada Ka Qayb Galaya Koobka Aduunka Gaadhsiisay 48 Qaran , Sidee Ayuu U Shaqayn Doonaa? Miyayse Tahay Ra’yi Wanaagsan? Odhaahdaadu Waa Noo Muhiim.

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka e marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano FIFA ayaa kordhiyay tirada qaramada ka qayb galaya koobka aduunka iyagoona ka dhigay 48 halka uu markii h-re ahaa 32 kooxo qarameed.

Ololahan lagu ballaadhinayo koobka aduunka ayuu hogaamiye ka ahaa madaxweynaha cusub ee FIFA ninka lagu magacaabo Gianni Infantino kaas oo ugu horrayn ra’yigaan keenay ugu danbayna ku guulaystay midaas.

Sida ay FIFA war kusoo saartay £521m oo lacago faa’ido cusub ah ayaa soo kordhi doona waxana lacagta dakhliga ah ee usoo xeroon doonta FIFA ay noqon doontaa  £5.29bn(Billion].

CONFIRMED: World Cup expanded to 48 teams – but how will it work and is it a good idea?

Sidee Ayuu U Shaqayn Doonaa Koobka 48-ka Kooxood.

  • ugu horrayn qaabkaan cusub ayaa dhaqan geli doona sannadka 2026-ka.
  • 16 boos ee cusub ayaa ay badankooda heli doonaan Africa iyo Asia. Europe sidoo kale waxay heli doontaa 3 boos oo kale oo ku siyaadi doona 13 boos oo ay h-re u haysatay.[weli lama xaqiijin middas ]
  • waxa jiri doona 16 Group oo ay group-kii kasta buuxin doonaan saddex qaran iyadoona labada sare ay usoo gudbi doonaan wareega xiga.
  • Tirada kulamada ayaa la gaadhsiin doonaa 80 kulan halka ay markii h-re ka ahaayeen 48 kulan.
  • Tartankaan ayaa socon doona 32 maalmood sida uu imikaba yahay mana jiri doono qaran ciyaari doona kulamo ka badan inta imika la ciyaaro oo ah 7 kulan.

 

Waxaa jiri doona qaramo cusub oo nasiib u yeela doona inay koobkaan yimaadaan – Faa’ido.

Waxa yaraan doona fursadaha ay kusoo bixi karaan qaramada yaryari maadama ay keliyaata yihiin saddex kooxood oo hal group ku wada jira , khasaaraha hal kulan waxa uu keeni karaa dhibaato ka weyn sidii h-re- Faa’ido darro.

Hadaba akhriste adiga ma kula tahay in midaan ay tahay ra’yi wanaagsan ? mase u malaynaysaa in AFrica ay ka faa’idi doonto ?

Ra’yigaaga waa muhiim.

 

Comments

comments

One Response to "Rasmi :FIFA Oo Tirada Qaramada Ka Qayb Galaya Koobka Aduunka Gaadhsiisay 48 Qaran , Sidee Ayuu U Shaqayn Doonaa? Miyayse Tahay Ra’yi Wanaagsan? Odhaahdaadu Waa Noo Muhiim."

Leave a Reply