Qiimeynta Xidigaha Manchester United Kulankii Ay Muquuniyeen West Ham United

Kooxda Manchester United ayaa 2:0 ku muquunisay dhigeeda Manchester United kulan ka tirsanaa wareegii 20aad ee horyaalka.

 

Kulankan ayaa ahaa midkii ugu horeeyay oo ay sanadka cusub ciyaarto kooxda Manchester United waxeyna kusoo ciyaareen meel ka baxsan minankood iyaga oo hantay guul muhiim ah.

Hadaba halkaa hoose kaga bogo qiimeynta xidigaha Man United kulankii West Ham.

 

De Gea 8– Wuxuu sameeyay badbaadino heersare ah. Waa xidiga kaliya ee Mourinho laabta galiyay kadib kulankii caawa.

 

Valencia 7- Wuxuu ahaa mid weerar iyo daafac labadaba ku fiican. Waxaa laga beeniyay gool macquul ahaa.

 

Johnes 6- Deganaanshihiisalu Wuxuu kaarka cas u qalqaaliyay Feghouli wuuna wanaagsanaa.

 

Rojo 6– Maalmahan danbe wuu wacnaa lkn maanta lamid ma aheyn.

 

Darmian 5– Wuxuu ahaa mid liita qeybtii horre waxaana qaabkiisa awgiis loo bedelay bilowga qeybtii danbe.

 

Carrick 6- Wuxuu ahaa mid fiican wuxuuna muujiyay waxa uu yahay.

 

Herrera 7– Wuxuu ahaa mid dadaal badan oo tamar leh. Wuxuu bixiyay caawinta goolka Ibrahimovic.

 

Pogba(MOTM) 8– Wuxuu ahaa mid heersare ah wuxuuna gowracay dhamaan xidigaha khadka dhexe ee kasoo hor jeeday.

 

Lingard 5- Durtaba waxaa loo bedelay ban dhigiisa liita awgiis.

 

Mkhitaryan 6- Wuu fiicnaa walow bedel lagu sameeyay.

 

Ibrahimovic 7- Wuxuu dhaliyay goolkiisii 12aad xilli ciyaareedkan wuxuuna caawa ahaa kid halis badan.

 

Keyd Kusoo Galay:

Mata(For Darmian 46′) 7

Rashford(For Lingard 58′) 8

Smalling(For Mkhitaryan 65′) 

 

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: