Qiimeynta Xidigaha Manchester United Kulankii Ay Barbar Dhaca La Galeen Stoke City, Kumaa Ahaa Shumaca Garoonka?

Kooxaha Stoke City iyo Man United ayaa caawa Britannia Stadium barbar dhac ku galay xilli kooxda Man United tuugtay goolka barbar dhaca kaasi oo yimid daqiiqadihii ciyaarta lagu daray.

Haatana waxaanu idiin soo tabin xubintii xiisaha badneyd ee qiimeynta ciyaartoyda.

Markana waxaa dabka inoo saaran qiimeynta ciyaaryoyda Man United kulankii ay barbar dhaca kala kulmeen Stoke City.

De Gea 6- Wuxuu awoodi waayay inuu iska celiyo halista goolkii saaxiibkiisa Mata ku leexiyay.

Valencia 6 – Dhaq-dhaqaaqyo fiican ayuu.ka sameeyay baasha midig balse heersare ma aheyn.

Jones 5 – Intii hore ma jirin lkn Qeybtii dabe ayuu yara fiicnaaday markuu Crouch meel saaray.

Smalling 5 – Crouch ayaa si fiican u garaacay markii ay dhalinayeen goolkii Mata.

Blind 6 – Ninkan baasha bidix ayuu ka ciyaaray waana iska fiicnaa ma xumeyn.

Herrera 6 – Heerkiisii uu beryahan danbe ahaa ma aheyn caawa.

Fellaini 6 – Waxaa loo keenay inuu farqi sameeyo lkn waa la saaray markii danbe.

Pogba 6 – Shaqadiisu heersare ma aheyn lkn darbo fiican ayaa laga beeniyay.

Mkhitaryan 6 – Laftirkiisa fursado ayuu cunay mana aheyn heerkii la rabay.

Ibrahimovic 7 – Halista ugu weyn ee shabaqa Stoke ku wajahneyd wuxuu ahaa isaga. qaab aad u fiican ayuu la yimid.

Mata 4 – Caawa Waxaad Moodaysay Inuu Habaarnaa!! Gool ha iska dhaliyo lkn bandhigiisa kale ma wanaagsaneyn.

Bedel Kusoo Galay

Rashford (Fellaini 56mins)-6

Rooney (Mata 67mins)MOTM-8 Shumaca Garoonka

Lingard (Mkhitaryan 73mins)-6

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: