Qiimeynta Xidigaha Manchester United Iyo Kuwa Liverpool Kulankii England Derby, Yaa Ku Cajab Geliyay?

Kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa waxay isku booteeyaanba  dhibcaha ku kala qeybsaday Old Trafford xilli Zlatan Ibrahimovic goor danbe soo celiyay gool uu ciyaarta ku furay James Milner.

Ciyaarta ayaa kusoo idlaata barbar dhac 1:1 ah oo ay labada kooxood min hal dhibic ku qaateen.

Waxaanu markana idiin soo gudbin xubintii qiimeynta ciyaartoyda oo aad aalaaba nooga barateen.

 

Qiimeynta Xidigaha Man United

David De Gea-6 Wuxuu ahaa mkd fiican, furaad uma heli karin inuu rigoorada qabto lkn waa dadaalay.

Antonio Valencia-6 Xaga daafaca wuxuu ahaa birlab lkn xaga weerarka baasaskiisa iskuma qoofalneyn.

Jones-6 Wuxuu ahaa mid wanaagsan walow maraka qaar la waayay.

Rojo-6 Xoogaa waxaa wareer ku riday afka hore ee Liverpool lkn aad ayuu u fiicnaa.

Darmain-6 Xaga daafaca wuxuu kala.mid ahaa saaxiibadiis lkn xaga weerarka ayuu ka jiifay

Micheal Carrick-5 Caawa ma sameyn wax muuqda wuxuuna ahaa mid inta badan qarsoon.

Ander Herrera-6 si fiican ayuu ula macaamilay lidkiisa suulasha ayayna is dhaafsadeen khadka dhexe ee Liverpool.

Mkhitaryan-7 Halistiisu waa badneyd furaad ayuuna khasaariyay qeybtii hore.

Pogba-4 Maalin ay aheyd inuu xidiga aduunka ugu qaalisan iska ilaawo. Lugaha ma uusan isla helayn wuxuuna masuul ka ahaa goolka madiga ah ee Liverpool.

Martial-6 Wuu fiicnaa lkn fursad lumintiisa ayaa badneyd.

Ibrahimovic-7 Waa qaab ciyaaeedkiisii ugu liitay maalmahan danbe lkn wuxuu goolka dhaliyah wakhtigii saxda ahaa.

Bedel Kusoo Galay

Rooney (Carrick 45mins)-6

Mata (Martial 65mins)-6

Fellaini (Darmian 75mins)-6

 

Qiimeynta Xidigaha Liverpool

Mignolet-7 Shaki kuma jiro maanta inuu ismuujiyay, Furaado halis badan ayuu badbaadiyay.

Alexander-Arnold-6 Wuu wanaagsanaa wuxuuna aha mid degan

Klavan-6 Isagana wuxuu muujiyay daganaan iyo dhiiranaan.

Lovern-6 Maratka qaar waa qarsoonaa lkn wuxuu inta badan fursad u diiday Zlatan.

Milner-8 MOTM Aad ayuu u fiicnaa, wuxuu ahaa mid heersare ah. Goolka Rigoorada fursada wuu ka faa’iideystay wuxuuna ahaa Shumaca Garoonka.

Henderson-7 Wuxuu muujiyay sababta uu kabtanka u yahay. Walow uu dhaawac kasoo laabtay hadana hogaamin ayuu muujiyay.

Can-6 wuu fiicnaa lkn Ma aheyn qaab ciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa.

Wijnaldum-6 Wuu ahaa mid fiican lkn marr badan ayuu qarsoomay

Lallana-6 Wuu wanaagsanaa lkn ma aheyn sidiisii hore.

Firmino-6 Wuu fiicnaa lkn marar badan ayuu dookha khaldan sameeyay.

Origo-6 ma aheyn mid aad u fiican lkn caadi ayuu iska ahaa.

Bedel kusoo galay

Coutinho (Origi 60mins)-6

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. XUDEYFa SYL says:

    rer koxda gubata emre can wxu ahaa 8.2 iyo ka bdn halka milnr uu ahaa 8 mrka meshaas wad ku jirtaan




.




.




%d bloggers like this: