Qiimeynta Xidigaha Liverpool Kulankii Guuldarada Xanuunka Badan Ka Gaadhay Wolves

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro xanuun badan ka qaabishay dhigeeda Wolverhampton Wenderers kuwaasi oo marti ku ahaa Anfeild.

Tababare Jurgen Klopp ayay musiibo haysataa kadib sadex kulan oo xiriir ah oo uu guuldaro qaabilay isaga oo waliba wax guul ah dhadhamin 6 kamida 7dii kulan ee ugu danbeeyay dhamaan tartamada.

Haatana waxaanu idiin soo tabin xubintii aad aalaaba nooga barateen ee qiimeynta ciyaartoyda.

Waxaa miiska inoo saaran qiimeynta ciyaartoydii Liverpool ee Anfeild lagu garaacay.

 

Karius 5 – Galabta maba aheyn mid wanaagsan. Goolkii hore ayuu sahashaday sidoo kalena taxadar ma muujinayn.

Randall 5 -Wuxuuba qalad kulahaa in goolka labaad markii la dhalinayay uu booska ka baxsanaa.

Randall 5 -Wuxuu ahaa daafaca kaliya ee Liverpool ugu wanaagsanaa.

Klavan 5 -Nin daalan ayuu ahaa oo tacbaan u muuqda.

Moreno 4 – Khaladka ugu weyn ee kooxda isaga aya dusha loo saaray. Wax aan ku tilmaamo ma aqaan.

Ejara 7 – Qeybtii hore ee ciyaarta wuxuu ahaa xidiga ka dhaqaaqayay Liverpool.

Lucas 6 -Khadka dhexe ayuu ahaa wuuna iska fiicnaa.

Wijnaldum 6 -Wuu dadaalay lkn wax badan oo muuqda ma uu sameyn.

Woodburn 6 -Dhamaadkii ayuu yara boo-booday waana goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.

Origi 6 -waa iska roonaa wuuna xiriiryanayay kubadaha.

Firmino 6 –  ma aheyn heersare lkn auu iska fiicnaa.

Bedel Kusoo Galay:

Coutinho 6 (Randall 46)

Sturridge 6 (Firmino 63)

Can 6 (Ejara 74)

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: