Qiimeynta Xidigaha Chelsea Kulankii Ay Guusha Ka Gaareen Hull City, Yaa Ahaa Shumaca Garoonka?

Kooxda Chelsea ayaa caawa guul nafis ah ka gaartay dhigeeda Hull City oo booqasho ku timid Stamford Bridge.

Haatana waxaanu idiin soo tabin xubintii xiisaha badneyd ee qiimeynta ciyaartoyda.

Qimeyntu sidaad ogtihiinba waxey u dhaxeysaa 1-10. Qofkii 5 ka hooseeya hela waa liitaa, 6 waa iska ok. 7 ilaa sideed waa heersare. 9 iyo kabadan waa xidiga wacdaraha ka dhiga garoonka.

Courtois 7 – Wuxuu ahaa heersare. Waxaa la koodayay bulukeeti sida uu u dhisnaa ee uu u dhiiranaa.

Azpilicueta 7 – Wuxu ahaa dhagax dixeed aan la mari karin. Waa darbi aan la marin had iyo jeer.

Luiz 7 – Xabsi igo ciqaab ayuu galiyay weerarka Hull.

Cahill 8 – MOM: Kabtan, Hogaamiye, gool dhaliye iyo waliba tijaabooyin kale oo xarago leh ayuu garoonka ka sameeyay. wuxuu ahaa shumaca garoonka.

Moses 7 – Faras aam marnaba istaageyn ayuu ahaa. Orodkiisa iyo khibradiisa ayaa Hull dhabar jabiyay. Wuxuu caawiyay goolka Costa.

Kante 6 – Heersare ma aheyn lkn kaabayaasha dhexda ayuu buuxiyay wuuna wanaagsanaa.

Matic 7 –  Caawa wuxuuba ahaa birlab aan la marin wuxuuna shaqo fiica ka qabtay khadka dhexe.

Alonso 6 –  wuu wanaagsanaa lkn wuxuu nasiib kulahaa inaan rigoore lagu dhigin khalad uu sameeyay.

Pedro 5 – Caawa ma aheyn mid heersare ah mana muuqan in badan.

Hazard 7 – Daafaca wuxuu u kala daadinayay sidii waraabe adhi usoo dhacay.

Costa 7 – Wuxuu ahaa heersare. Wazaad moodaa in lacafiyay kadib khilaafkii oo uu soo laabasho fiica ka sameeyay.

Bedel Kusoo Galay

Willian (Pedro, 71) 6

Fabregas (Hazard, 71) 6

Batshuayi (Costa, 86) 6

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.