Tuesday 21 November, 2017

Qiimeynta Xidigaha Arsenal Kulankii Ay Guusha Ka Gaareen Crystal Palace, Kumaa Ahaa Libaaxa Garoonka?

Kooxda Arsenal ayaa caawa sanadka cusub ugu dabaal degtay guul muhiim ah iyaga oo sidoo kale kasoo kicitamay booska 4aad ee kala aareynta horyaalka iyaga oo sare u fuulay booska 3aad.

 

Olivier Giroud iyo Alex Iwobi ayaa guusha Gunners ka saaciday, Goolka Giroud ayaa hubaal ahaa mid u qalma goolka sanadka.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo qiimeynta dhamaan xidigaha Arsenal.

 

Petr Cech 7– Wuxuu ahaa mid cajiib ah wuxuuna sameeyay badbaadino aan macquul aheyn.

Hector Bellerin 7– Xaga daafaca wuu ka adkaa wuxuuna ahaa sidii looga bartay sidoo kalena wuxuu aad uga shaqeeyay doorka weerar qaadista.

 

Gabriel 6– Wuxuu si fiican isaga xiray quwada duleed ee Christian Benteke wuxuuna ahaa mid caaboon.

 

Kosceilny 7– Wuxuu ahaa mid degan mana uusan la kulmin wax rabshad ah, doorkiisa waa maareeyay.

 

Nacho Monreal 7– Kor iyo Hoosba waa u socday wuxuuna ahaa mid firfircoon.

 

Xhaka 6– Wuu wanaagsanaa wuxuuna la yimid qaab ciyaareed ok ah.

 

Mohamed Elneny 6- Wuu fiicnaa sida Xhaka wuxuuna isku dayay inuu marar badan kubada darbeeyo.

 

Alexis Sanchez 8– Mar kastaba wuxuu ahaa musiibo ku socota daafaca Palace wuxuuna bixiyay kubada cajiibka aheyd ee Giroud dhaliyay.

 

Perez 7– Fursada la siiyay wuu ka faa’iideystay wuxuuna ahaa mid tabar badan.

 

Iwobi 7– Baasha bidix ayuu shaqo fiican ka qabtay wuxuuna sidoo kale qasab ku dhaliyay goolka 2aad ee ciyaarta.

 

Giroud 8– Wuxuu dhaliyay gool u muuqday midkii sanadka! Lkn wuxuu khasaariyay fursado badan oo gool loo fishay-Xidiga garoonka

 

Bedel Kusoo Galay

Coquelin(for Elneny 71′) 6

Ramsey(For Perez 71′) 6

 

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: