Qiimeynta Ciyaartoyda Liverpool Kulankii Ay Barbar Dhaca La Galeen Plymouth

Kooxda Liverpool ayaa barbaro goolal la’aan ah la gashay dhigeeda Plymouth kulan ka tirsan wareegii 3aad ee FA Cupka.

 

Wiilasha Jurgen Klopp ayaa markii 5aad gurigooda barbaro goolal la’aan ah ku galay intii uu macallinka reer German laylinayay.

 

Hadaba Kooxda.com aya idiin soo tabin qiimeynta xidigaha liverpool kulankii Plymouth.

 

Loris Karius-6 Wuxuu sameeyay hal badbaadin oo cajiib ah sida kalena wuu wanaagsanaa.

 

Alexander Arnold-8 Aad ayuu.u wanaagsanaa wuxuuna soo karoosayay kubado aad u halis badan

 

Lucas Leiva-7 Waxey u aheyd kulan raaxo leh wuxuuna ciyaaray ciyaar fiican.

 

Med Woodburn -5 Heer fiican ma uusan ku jirin walow uu halgamay

 

Sheyi Ojo-6 Wuu adkaa wuxuuna soo ban dhigay qaab ciyaareed degan

 

Joe Gomez-8 Wuxuu ahaa mid xoogan oo awod leh, uma muuqan nin dhaawac kasoo laabtay.

 

Alberto Moreno-6 Xaga daafaca wuxuu ahaa birlab lkn xaga weerarka uma dheeli tirneyn.

 

Kevin Stewart-8 Wuxuu qabtay shaqo fiican wuxuna soo ban dhigay qaab ciyaareed wanaagsan.

 

Emre Can-8 Wuxuu ahaa mid wanaagsan qeybtii.horre ee ciyaarta walow qeybtii danbe la bedelay.

 

Ovie Ejaria -5 Markii horre qaab fiican ayuu ku bilowday lkn dib ayuu ka nusqaamay.

 

Divock Origi-6 wuu fiicnaa wuxuuna caawinayay daafaca

 

 

Bedel Kusoo Galay:

Daniel Sturridge- 7

Adam Lallana- 6

Eobwrto Firmino- 5

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: