Qiimeynta Ciyaartoyda Liverpool Kulankii Anfeild Looga Yaabsaday, Kumaa Ugu Liitay Xerta Klopp?

Kooxda Liverpool ayaa galabta looga yaabsaday Anfeild xilli ay Swasea City uga soo badisay 3 gool iyo labo celis ah waxaana xusid mudan in ciyaarta Liorente iyo Firmino min labo gool u ansixiyeen labada kooxood.

Haatana waxaanu idiin soo tabin xubintii xiisaha badneyd ee qiimeynta ciyaartoyda oo aad aalaaba inooga barateen markana waxaa dabka saaran qiimeynta xidigaha Liverpool.

Qimeynta waxaa ugu badan 10 waxaana ugu hoosaysa 3. Xidiga 6 hela waa iska fiicnaa 7 iyo kabadan ka hela waa heersate 9 iyo kabadan waa xidga wacdaro dhiga.

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Simon Mignolet – 6 Wuu fiixnaa lkn Wuxuu qeyb ka ahaa xidigaha masuulka ka ahaa guudarada. isaga kaligiis walow waxba qaban karin daafaca ayaa ka liitay.

Nathaniel Clyne – 5 wuxuu qalad kulahaa goolkii labaad ee Llorente. Sidoo kale weerarka inbadan ma saacideyn waxaadna moodaysay dhaawacii uu kasoo kabsaday inuu wali liito.

Dejan Lovren – 5 Beryahan danbe wiilkan wuxuu ahaa mid fiican oo buuxiyay booskii Joel Matip lkn caawa wuu liitay.

Ragnar Klavan – 4 Wiilkan caawa wuxuu ahaa maqane jooga. Ma aqaano wax aan ku tilmaamo ban dhigiisa. Gool cadaan ah ayuu u ogolaaday Sigurdsson.

James Milner – 5.5 Ma dhihi karo sidiisii ayuu ahaa. Lkn raga daafaca kula midoobay caawa waa dhaamay wuxuuna sameeyay caawinta goolka 1aad. 12 karoos ayuu soo diray waxaa se sax ahaa kaliya 3 kamida.

Jordan Henderson – 4.5 Caawa Henderson sax ma aheyn. Kulankiisii 50aad oo uu caawa Liverpool kabtan u ahaa balse waa ka jiiftay walow uu dadaal inuu sameeyo isku dayay. Ma aheyn malintiisii.

Emre Can – 3 Waxaa macquul ah inaad tirada hor taala dhibsato lkn khabiirada qiimeeyay ayaa u dhigay. Emre Can-kii Usbuucii hore iyo usbuucan farqi weyn aya u dhexeeya. Waxaan dhihi karaa garoonka kuma uusan jirinba.

Georginio Wijnaldum – 5.5 Ma fiicneyn.l mana uusan soo ban dhigin wixii lolaga filayay Xataa kulankii Man United waa fiicnaa lkn markan waxaad moodaysay in laga guuritay xirfadii kubada.

Adam Lallana – 6 Wuxuu kamid ahaa xidigaha awooda muujiyay ee ka dhaq-dhaqaayay dhinaca Liverpool.

Philippe Coutinho – 5.5 Kadib dhaawacii uu mudada la maqnaa wuxuu u baahnaa la qabsi weyn. Ma aheyn ninkii Coutinho ee aan naqaanay.

Roberto Firmino – 8 (Heersare) Wuxuu ahaaa lafta kaliya ee Liverpool ka dhaqaaqday. Wuxuu dhaliyay labo gool oo qurxoon wuxuuna sameeyay dadaal weyn.

Bedel Kusoo Galay

Daniel sturridge(56′ On for Coutinho)-4

Divock Origi(70′ On for Can)-4

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: