Ozil, Rakatic, Sanchez, Depay, Llorente, Bakayoko, Sakho Iyo Dhamaan Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa kala Iibsiga Subaxnimadaan Oo Isniin Ah.

Subxan wanaagsan ehelka sida rasmiga ah ugu xiran shabkadaan ciyaaraha ka falaaqoota ee Kooxda.com, waxaan diyaar iyo gacan fudayd dhaqso ah ula nahay inaan idiin soo gudbino wararkii ugu dambeeyey suuqa kala iibsiga subaxanimaadan oo Isniin Ah.

Gossip logo
Ciidanka Kooxda.com way soo turjameen keliya, laakiin gebi ahaanba ma qaadi doonaan mas’uuliyada wararkaan….

*Mesut Ozil ayaa si maldahan u qiray in mustaqbalkiisa Arsenal ku xiran tahay Arsen Wenger, yacni hadii uu kooxda ka tago wuu baxayaa, waxana uu qiray inuu diyaar xilligaan u yahay heshiis cusub, taas bedelkeedana lacagta mushaharka loo kordhiyo. “Daily Mail”.

*Kooxda haysata horyaalnimada France ee Paris St-Germain ayaa diyaarinaysa xagaaga aduun gaaraya 60 milyan oo dalab ah si ay ula soo saxiixato weeraryahanka Arsenal ee Alexis sanchez oo 28 sano jir ah, xamaaliga reer Chile ayaa keliya 18 bilood uga harsan yahay qandaraaskiisa Waqooyiga London. (Maxifoot – in French)

*Iyadoo hawshaasi jirto ayaa hadana kumaandooska caasumada Spain ee Atletico Madrid diyaar u tahay in Alexis Sanchez ka dhigto bedelka Antonio Griezzmann, 25 snao jirkaan reer France ayaa xagaaga albaabka Caldron ka bixi doona..(Don Balon – in Spanish)

* 28 sano jirka khadka dhexe kooxda Barcelona ee Ivan Rakatic ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Pep Guardiola ee Manchester City. (Jutarnji List – in Croatian)

*Man United ayaa kusoo biirtay dagaal sadex geesood ah oo lugu doonayo qadka dhexe ee kooxda Monaco Tiemoue Bakayoko, Man City iyo Chelsea ayaa sidoo kale doonaya 22 sano jirkaan reer France. (Daily Record)

* Weeraryahanka Chelsea ee Michy Batshuayi, 23, aya au dhaqaaqi doona Swansea qaab amaah ah, waxana uu qayb ka noqon doona heshiiska Blues bishaan kula soo wareegi doonto 31 sano jirka weerarka reer Spain ee Fernando Llorente oo usoo duuli doona Stamford Bridge. (South Wales Evening Post)

*Manchester United ayaa u sheegtay Everton inay miiska soo saaraan lacag ka badan aduun gaaraya 20 milyan hadii ay dhab ka tahay 27 sano jirka u shidan tahay kursiga kaydka Old Trafford ee Morgan Schneiderlin, 27. (Daily Mail)

*Mancalinka maslaxa riyada ee Jose Mourinho aya sheegay inuu doonayo inuu kooxda kusii haysto 2 sano jirka reer Holland ee Memphis Depay, 22 sano jirkaan ayaa ka mid ah xubin kale oo ay u shidan tahay kursiga kaydka ee Old Trafford. (Fox Sports, via Daily Mirror)

*Macquul ayeey noqon wayday markii la ogaaday in Arsen Wenger Xiniiyo is geliyey oo uu aduun gaaraya 65 milyan ku dalbaday 23 sano jirka weerarka xulka Talyaaniga ee Andrea Belotti, sida uu xaqiijiyey agaasimaha ciyaaraha kooxda reer Talyaani. . (Sky Sport Italia, via Four Four Two)

MirrorMirror

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: