Miyuu Cristiano Ronaldo Mustaqbalka Noqon Doonaa Tababare? Miyuuse Bedelay Hadalkiisi Ahaa Inuusa Weligiis Macallin Noqon Doonin? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya.

Kaddib habdhaqankiisi Finalkii Koobka Euro 2016 qof kasta ayaa umalaynayey in Cristiano Ronaldo uu kusoo bixi lahaa hadii uu noqon lahaa tababare balse xiddigaan ayaa hadalkaas meesha kasaaray isagona sheegay inuusan qorshaynayn inu noqdo macallin.

Portugal v France - Final: UEFA Euro 2016

Ronaldo ayaa ku guulaystay xiddiga sannadka FIFA balse waxa mar kale dib loo waydiiya in mustaqbalka ay u qorshaysan tahay inuu noqdo macallin tababara mid ka mid ah kooxaha kubaada cagta .

Xiddigaan ayaa la filaayay inuu hadalkiisi h-re ku adkaysan doono isla markana uu k adayrin doono inuu noqdo tababare balse waxa uu markaan diiday inuu meesha ka saaro inuu shaqadaas qabto isagoona sheegay inuusan ogayn waxa mustaqbalka dhici doona.

“Aad ayay iigu adagtahay inaan ka jawaabo waydiintiina ah inaan shaqadaas qaban karo iyo in kale”Ayuu Ronaldo u sheegay Webka rasmig ah ee FIFA.

“Aad ayay u adagtahay weligay maya ma dhihi karo, aadna way u adagtahay inaan saadaaliyo mustaqbalka , balse haatan ma arko Ronaldo oo macallin ah” ayuu Ronaldo hadalkisa kuso gabagabeeyay.

Loading...

Cristiano Ronaldo ayaa 9kii January loo magacaabay xiddiga ugu fiican aduunka isagoona middaas ku garaacay xiddigihii ka tartamayey ee Leo Messi iyo Antonio Griezmann.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.