Luis Suarez : Ma Jiro Noole Gaarikara Lionel Messi Kubada Cagta Dhexdeeda Waana Ninka Ugu Wanaagsan Macquul Ma Ahan Wixii Dhacay Todobaadkaan

Weraryahankii horre ee kooxda Liverpool Luis Suarez oo hada waqti wanaagsan ku qaadanaya kooxd Reds ayaa sheegay inuusan dunidaan joogin ciyaaryahan ka wanaagsan Lionel Messi marka kaliya la qiimeeyo bishaan waxa uu Messi ka sameyey kuabda cagta.

Barcelona ayaa xaley kaso kabatay guuldaro 2-1 oo lugta hree ee Coppa Del Rey ay lasoo kulmeen waxaana ay ku badiyeen markii ay garoonkooda imaadeen 3-1 markaas oo kooxda Luis Enrique xaqiijisay usii bixitaankeeda wareega 8 dhamaadka koobkaan.

Ciyaarta waxaa natiijadeeda bedelay Lionel Messi balse waxaa ay iska ahayd 2-1 xitaa markii Comp La yimid ,waxaana kooxda BArcelona gool bulisyoon qurx badan u dhaliyey Lionel Messi kaasi oo kooxdiisa u dhaliyey bulisiyoonkii 3aad 11 maalmood gudohooda.

Dhanka kale xidigaha MSN xaley waxaa ay dhaafeen 300 goool tan iyo markii ay bilaabeen inay garoon islasoo galaan , maxaa yeelay dhamaantooda xaley shabaqa ayey soo wada gaareen ,waxaana ay marayaan hada 302 gool.

Suarez oo isagana dhaliyey goolkiisa 100aad ee Barcelona tartamada oo dhan ayaa aminsan in Lionel Messi uu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida.

”Waa kala duwanahaanshaha wixii dhacay todobaadkaan, ” ayuu Suarez  u sheegay saxaafada ciyaarta kadib ” waa shaqsiga ugu wanaagsan kubada cagta, kulan waliba waxbuu ku baraaa.

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. siciid says:

    messi neymar s.




.

%d bloggers like this: