Lambarka Uu Saxiixa Cusub Ee Cohrn Bramall U Qaadan Doono Arsenal Oo La Shaaciyay, Lambar Weyn Ayuu Qaatay

Kooxda Arsenal ayaaa usbuucan dhameys tirtay saxiixa da’yarka Cohen Bramall iyaga oo kula soo wareegay aduun dhan £40,000 waana saxiixooda koowaad ee suuq ciyaareedkan qaboobaha ee bisha Janaayo.

Cohen Bramall ayaa The Gunners u xiran doona lambar 85 kadib markii uu dhameeys tiray heshiiskii uu uga soo wareegay kooxda heerka hoose ka dhisan ee Hednesford Town.

20 jirka ayaa heshiiska uu Arsenal ugu biiray dhameeys tiray talaadadii shalay aheyd isaga oo kooxda horay ula qaatay tababaro kala duwan.

Wenger ayaa sheegay in wiilkani xilli ciyaareedkan qeyb ka noqon doono kooxda Arsenal ee 23 jirada ka hoosaysa jariirada The Mirror ayaana qoraysa in wiilkan qaatay lambar 85.

Wiilka ayaan xilli ciyaaredkan kasoo muuqan karin safka koowaad ee kooxda lkn Macallin Arsene Wenger ayaa wiilkan barbar dhigay xidigii hore ee Arsenal iyo Chelsea ee Ashley Cole.

Si kastaba Cohen.ayaa laftirkiisa sheegay inuusan xilli ciyaareedka inta ka hartay diyaar u aheyn inuu boos joogta u dagaalamo balse uu diyaar u yahay inuu naftiisa dhiso kadibna xillo ciyaareedka danbe uu boos joogta ah u halgamo.

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.