La Ogaday: Maxaa Ku Qornaa Waraqadii Uu Xalay Macallin Jurgen Klopp U Dhiibay Weeraryahan Daniel Sturidge.

Kooxda Liverpool ayaa xalay guuldaro 1-0 ah kala kulantay kooxda Southampton , goolkaas ayuuna daqiiqadihii labaatanaad dhaliyey weeraryahan Redmond kadib khalad weyn oo uu galay daafaca kooxda Reds ee Klavan.

Si kastaba kooxda Liverpool ayaa gacanta ku haysay dhamaan daqiiqadihii ka sokeeyay daqiiqadihii nasashada waxaana la arkaayey weeraryahanka kooxdaas ee Daniel Sturidge kaas oo warqad dhulka ka qaadaya isla markaana akhrinaaya odhaahyadii ku qornaa.

Image result for sturridge reading note in southampton match

Dad Badan ayaan ogayn in warqadaan uu soo tuuray macallin Klopp waxaana ay la yaabanayeen sababta xiddigaan ku kaliftay inuu daawado warqado garoonka lagu soo dhex tuuray balse ugu danbayn macallin Klopp ayaa sharraxay wixii ku qornaa warqadaas.

“Hab Cusub ayaa ku qornaa, 3-5-2. Lucas Leiva daafac ha u dego , Emre Can dhexda hasii joogo , Laba baalood[Clyne iyo Milner ], Laba weeraryahan [Sturidge iyo Firmino] , Adam iyo Phillipena dhexda haloo baneeyo ” ayuu klopp Saxafada u sheegay kadib kulankaan.

“Bes intaas uun ayaa ku qornayd, laga yaaba inaan lasoo yara habsanay , waxaan warqadaan dhiibnay kulankoo mar h-re dib loo bilaabay”

“Waxaan dhihi karaa 7 ama 8 ciyaartoyda ka mid ah waa ay fahmeen markiiba , balse Firmino ayay ku adkaatay inuu si wacan u fahmo,Laakiin aad ayuu ugu dhawaa inuu fahmo. tanoo kale way dhacdaa badiyaa “ayuu Klopp hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

kooxda Liverpool ayaa haysata fursad ay ugu soo baxdo kama danbaysta koobkaan EFL Cup-ka marka ay kulanka lugta labaad marti qaadi doonaan kooxda Southampton oo wadata faa’ido 1 gool iyo shabaq nadiif ah .

 

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.