La Ogaaday: Waa Maxay Sababta Uu Alex Vidal Isaga Diiday Inuu Amaah Ugu Biiro Kooxda Galatasaray? Fulaynimo Mise…?

Kooxaha Barcelona iyo Galatasaray ayaa la sheegayaa inuu wada hadal ku saabsan heshiis amaah oo uu Alex Vidal ku aadi doono Turkiga uu u socday basle ugu danbayn u xiddiganaa iska diiday dalabkaas isla markaana uu ugu gacan saydhay sababo jira awgeed.

FC Barcelona v Deportivo Alaves - La Liga

Xiddigaan ayaa naftiisa u cabsaday isla markaana uu walaac ka muujiyay falalka argagixiso ee ka socda garoomada Turkiga sida uu cadeyay madaxa agaasimaha suuqa kala iibsiga kooxda Galatasaray ninka lagu magacaabo  Levent Nazifoglu .

“Handadaada iyo caga jugleynta argagixisada ayaa saamayn ku yeeshay wada hadalada” ayuu ninkaan ku jawaabay mar la waydiyay mushkiladaha hakiyey wada hadalkii u socday iyaga iyo Kooxda Barcelona.

27 jirakaan ayaa la filayey inuu buuxin doono booskii u baneeyay dafacii kooxdaa ee Dani Alves kaas oo si xoor ah ugu biiray kooxda Juventus balse Vidal ayaan weli arrintaas haabkeeda haynin.

Macallinka kooxda Barcelona ayaa la sheegaya inuu maanka ku hayo inuu suuqan lasoo saxiixan doono danbeed cusub oo si rasmi ah booskaas uga ciyaara maadama uu haatan dafaca bidix uu buuxiyo xiddiga khadka dhexe ee Sergio Roberto.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: