Suuqa: Kooxda Roma Oo Wada Hadal Kula Jirta Dhigooda Arsenal Si Ay Ula Wareegaan Goolhayaha Gunners Ee Wojsiech Szczesny

Kooxda Roma ayaa wada hadla ku aadan saxiixa Wojsiech Szczesny kula jirta kooxda Arsenal iyada oo lasoo werinayo in kooxda reer talyaani doonayaan inay xidigan lasoo wareegaan bishan janaayo.

 

Wiilka reer Poland ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah amaah ku qaadanaya kooxda Roma wuxuuna naadigaasi ku yeeshay saameyn weyn intii uu la joogay.

Lkn jaraa’idka kale ee isagana kasoo baxa talyaaniga ee Corriero Dello Sport ayaa dheegaya in laacibku doonayo ku noqoshada Emirates Stadium iyo kooxda Arsenal.

 

Sidaas ay tahay goolhayuhu boos joogta ah kama heli karo kooxda Arsenal xilli tabanare Arsene Wenger uu goolhaya kooowaad u haysto Petr Cech kan labaad iyo kan sadexaadna uu u haysto David Ospina iyo Emiliano Matinez.

 

Waxaa lagusoo waramayaa inay kooxda Arsenal xidigan ku fasixi karto aduun dhan £14 Milyan lkn kooxda Roma ayaa iyaduna kasoo taagan qiimaha ay xidigan ku heli karaan.

 

Xagaagii horre ayay kooxda Roma markii ay keentay Szczesny waxey sidoo kale lasoo saxiixdeen goolhaye kale oo lagu magacaabo Allison kaasi oo ay £7 Milyan kala so wareegeen Internacional.

 

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in Szczesny luuqada talyaaniga ku hadalkeeda iyo fahamkeedaba aad u bartay isla markaana taasi tahay sababta ay kooxda Roma u xiiseynayso inay sii haystaan isaga.

Comments

comments

Leave a Reply