Kooxda Barcelona Oo U Gudubtay Wareega Sideed Dhamaadka Copa Del Rey, Neymar Oo Abaartii Gool La’aanta Ka Baxay Xilli MSN Shabaqa Soo Wada Taabteen

Ciyaar u dhaxeysay Kooxaha Barcelona iyo Athletic Bilboa oo aheyd kulan ka tirsan lugtii labaad ee wareega 16ka tartanka Copa Del Rey ayaa goor dhaweyd kusoo idlaatay Camp Nou.

Barcelona ayaa 3:1 ku khaarajisay dhigeeda Atheltic Bilboa kulan ka dhacay Camp Nou. Goolasha ayeeyy wiilasha Luis Enrique uga mahad naqayaan xidigahooda Luis Suarez(2) iyo Neymar Jr.

 

Qeybtii Horre Ee Ciyaarta

Ciyaarta bilowgeeda ayay kooxda Barcelona maamulka kubada la wareegtay isla markaana isku dhiib dhiibtay baaskeeda tiki taka.

Kooxda Athletic Bilboa iyagana daafacooda waa isku xirnaa walow weerarka Barcelona ka awood badiyay

Daqiiqadii 25aad Ofsside! Gool cadaan ah ayaa Neymar laga diiday kadib markii garsooruhu xukumay inuu Offside ku jiray.

Daqiiqadii 35aad Goooooooooooooool! Kooxda Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay. Neymar Jr ayaa wacdaro kasoo dhigay baasha bidix isla markaana jaf u qaaday Luis Suarez kaasi oo darbo qurxoon ku hubsaday shabaqa Bilboa. Ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1:0 ay Barcelona hogaanka ku hayso.

Weeraro halis badan ayay kooxda Barcelona qaadaysay lkn natiijada ciyaarta ayaa qeybtii horre sidaas ku ekaatay.

Qeybtii Horre ee ciyaarta ayaa sidaasi kusoo idlaatay waxaana lagu kala nastay 1:0 ay kooxda Blaugrana hogaanka ku hayso.

 

Qeybtii 2aad Ee Ciyaarta

Waxaa leyskugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarya kooxda Barcelona iyo MSN ayaana sii laba jibaaray culeyska ay ku hayeen shabaqa Bilboa.

Daqiiqadii 47aad Halis Rigoore!! Neymar Jr ayaa baasha bidix kasoo galay xerada ganaaxa waxaana dhulka dhigay Boveda. Kooxda Barcelona ayaa lagu abaal mariyay gool ku laad waxaana uso istaagay Neynar oo jihada qaldan u diray goolhayaha Bilboa. Ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 2:0 ay kooxda Barcelona hogaanka ku hayso.

Daqiqadii 51aad Gooooooooooool! Kooxda Athletic Madrid ayaa 1 gool iskasoo bogtay. Enric Saborit ayaa shabaqa Barcelona soo taabtay ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2:1 ay wali kooxda Barcelona hogaanka ku hayso.

Ciyaarta ayaa sii kululaatay iyada oo kooxda Barcelona raadinaysay gool ay farqiga goolasha ku dheeraysato.

Daqiiqadii 76aad Gooooooooooooool! Kooxda Barcelona ayaa hogaanka sii dheeraysatay. Lionel Messi ayaa gantaal shabaqa Athletico dhex dhigay ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 3:1 ay Barcelona hogaanka ku dheeraysatay.

 

 

Ugu danbeyn Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 3:1 ay kooxda Barcelona ugu gudubtay wareega sideed dhamaadka ee tartanka Copa Del Rey.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ahmedi says:

    hhhh qoralkan adoo hurdaysn miya so gelisay sidaa ulaso degdegtay way ka muqataa khladad bdn ayaaa ku jira oday inaka hgaaaji beleda




.




.




%d bloggers like this: