Ka Hor Kulanka Caawa Southampton Weeraryahankeeda Jay Rodriguez Oo Amaanay Adam Lallana

Liverpool ayaa caawa kulan xiiso badan la ciyaaridoonta kooxda Southampton,waxaana kulankaasi jiridoona xidigo soo maray Southampton oo wajihikaraan kooxdooda horre.

Adama Lallana kabtankii hrre ee kooxda Saints ayaa ka horimaadoona kooxdiisa horre waxaana macquul ah inuu wax waliba ka sameeyo kulanka.

Ka hor ciyaartaasi  Jay Rodriguez oo werarka ka ciyaara sidoo kale ahaa ciyaaryahan ay wax badan isla soo ciyaareen Lallana ayaa sheegay inay caawa muhiim u tahay in markale ay garoon isla galaan isaga iyo Lallana.

Jay ayaa aminsan in Lallana uu ahaa ciyaaryahankii ugu wanagsan ee uu a garab ciyaaro xifardiisa ,waxaana uu sheegay inuu wax badan ka bartay intii ay isla joogeen.

”Waxaa uu ahaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxda, si fiican ayaan u sheekeysaney maalintii ugu dambeeysey ee bixitaankiisa waan ku faraxyaa haddii aan markale arkayo saaxiibkeey.

”Adam waa ciyaaryahan dabiici waa saaxiib wanaagsan , wax badan ayaan ka faa’iday intii aan isla joognay  ,waana ka xumaaday markii uu kooxda soo faarujiyey balse mar waliba waxaan u rajeeynayey hormar wanaagsan.

Liverpool ayaa caawa dooneysa inay meel iska soo saarto kooxda Southampton inkastoo lug kale la ciyaaridoono koobkaan.

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: