Jose Mourinho Oo Ka Jawaabay Su’aasha Ah Goorma Ayuu Rooney Noqon Doonaa Gooldhaliyaha Ugu Sareeya Ee Kooxda Manchester United??

Macalinka kooxda MAnchester United Jose Mourinho ayaa saadaaliyey in kabtanka kooxdiisa Rooney uu mar horre dareemay inuu dhaafidoono Rikoorka Sir Bobby Charlton kaasi oo ahaa ninka ugu goolasha badan kooxda MAnchester United.

Rooney ayaa dhaliyey gool kulankii FA Cup-ka ee kooxdiisa ay la dheeshay kooxda Reading waxaana goolkaasi uu ahaa midkii uu ku bar bareeyey rikoorka ama goolkiisa 249aad ee kooxda Manchester United .

Taageeriyaasha kooxda Manchester United waxaa ay isweydiinayaan xilliga uu Rooney dhaafidoono Charlton , maxaa yeelay waxaa uu Kabtanka xaley iska qsaariyey fursad muhiim markii uu nasiib u yeeshay inuu kusoo bilowdo kulanka United iyo Hull City ee League Cup-ka.

Balse xidiga Manchester United ayaa ku guuldareeystay inuu kulankaasi wacdaro sameeyo waxaana uu sidoo kale waayey goolkii rikoorka inkastoo kooxdiisa ay si wanaagsan u ciyraatay.

Jose Mourinho ayaa bedel kus ameeyey Rooney waxaana kadb ciyaarta marka ay dhamaatay la weydiiyey xilliga uu Rooney rikoorka dhaafidoono.

”Mar hre ayuuba dhaafay, balse waxaa la sugayaa kooxdee, goolhaayehee iyo xilligii ee hada ma jiro ciyaaryahan Rooney ku heeysta rikoorka uu sameeyndoono.

MAnchester United ayaa kulan xiiso badan waxaa ay la dheelidoontaa kooxda Liverpool maalinta axada ciyaartaas oo katirsan Primer League.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: