Ivan Rakitic Iyo Jasper Cillessen Oo Soo Laabtay Iyo Macallin Enrique Oo Magacaabay Magacyada 18-ka Xiddig Ee U Usoo Xushay Kulanka Caawa Ee Bilbao

Kooxda reer Catalan ee Barcelona ayaa goor danbe oo caawa ah garoonkeeda Camp Nou kula balansan dhigeeda Atletico Bilbao kulan ka tirsan koobka dalkasi Spain ee lagu magacaabo Copa Del Rey.

Jasper Cillessen

Waa kulankii lugta labaad ee ay labadan koxood ciyaaraan iyadoona kooxda Balugrana looga soo badiyay 2-1 lugtii h-re macallin Enrique ayaana magacaabay 11 xiddig oo ku filan inay natiijada dhanka kale u rogaan.

Xidiga khadka dhexe ee kooxdaas Ivan Rakitic ayaa lagu so celiyay safka kooxda ka hortagaysa Bilbao kadib markii la nasiyay kulankii lugtii koowaad iyo sidoo kale goolahaye Cillessen waxaana taas beelkeda safkaan laga tuuray xiddiga rer Portugal ee Andrea Gomes.

18-ka xiddig ee uu  Enrique usoo doortay kulanka Atletico Bilbao 

Goolhayayaasha : 1. Marc-André ter Stegen, 13. Jasper Cillessen

Daafacyada: 3. Gerard Piqué, 14. Javier Mascherano, 18. Jordi Alba, 19. Lucas Digne, 20. Sergi Roberto, 23. Samuel Umtiti

Khadadka Dhexe: 4. Ivan Rakitic, 5. Sergio Busquets, 6. Denis Suarez, 7. Arda Turan, 8. Andrés Iniesta, 12. Rafinha Alcântara

Weeraryahanada: 9. Luis Suárez, 10. Lionel Messi, 11. Neymar Jr., 17. Paco Alcácer

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: