Hordhaca Kulanka Sevilla Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Hal Lug Kula Jirta Wareega Sideed Dhamaadka Copa Del Rey

Kooxda Real Madid ayaa caawa marti.u noqon doonta dhigooda Sevilla kulan katirsan wareega 16ka ee tartanka Copa Del Rey xilli kooxda Zenadine Zidane aan 39 kulan dhinaca dhulka loo dhigin.

Lugtan ayaa ah midii labaad iyada oo lugtii 1aad horay loogusoo ciyaaray Santiago Bernaboe isla markaana ay kooxda caasimadu 3 gool ku dubatay dhigeeda Sevilla.

 

Kulanka: Sevilla Vs Real Madrid

Tartanka: Copa Del Rey

Garoonka: Ramon Sanchez Pizjuan

Saacada: 11:15 Habeenimo Saacada Geeska Afrika.

Wararka Labada Kooxood

Kooxda Real Madrid ayaa garoonka kusoo gali dooonta Ramos la’aan iyo sidoo kale Pepe iyo Isco oo dhaawacyo kala duwan ku seegi doona kulankan.

Xidigaha kale ee kala ah Kovacic iyo Gareth Bale ayaa iyagana dhamaantood wali maqan. Waxaa iyagana nasiino la siiyay Cristiano Ronaldo iyo Luka Modric oo aan kulankan ka qeyb qaadan doonin.

 

Dhinacooda iyagana Sevilla ayay macquul tahay inay lasoo galaan saxiixyadooda cusub ee Clement Lenglet iyo Stevan Jovetic.

Sevilla kaliya waxaa dhaawac kaga maqnaan doona xidigaheeda Carriço iyo Tremoulinas.

 

Safafka Macquulka Ah Ee Labada Dhinac

Safka Macquulka Ah Ee Sevilla: Rico; Mercado, Pareja, Rami; Mariano, Vasquez, N’Zonzi, Vitolo, Escudero; Nasri, Ben Yedder

Safka Macquulka Ah Ee Real Madrid: Keylor Navas; Marcelo, Nacho, Varane, Danilo; Casemiro, Kroos, Asensio; Lucas Vázquez, Benzema iyo Morata.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. ahmed kaaaape . says:

    caawa guuul ayaaaaaan karanaaaaaaaaaaa
    reeeeeer madrid
    casumada




.




.




%d bloggers like this: