Tuesday 21 November, 2017

Hordhaca Kulanka Afar Dhamaadka EFL Cup Ee Southampton Vs Liverpool: Wiilasha Jurgen Klopp Oo Maanka.Ku Haya Finalka Wembley Xilli Manchester United Final U Ballansahay

Kooxda Southampton ayaa habeen danbe gurigeeda St Mary’s ku marti soori doonta dhigeeda Liverpool Kulan ka tirsan wareega afar dhamaadka tartanka EFL Cupka.

 

Macallin Jurgen Klopp ayaa maanka ku haaya inuu Reds koobkoodii 1aad ku hogaamiyo tan iyo 2012 markaasi oo ay isla tartankan ku guulaysteeen.

 

Wiilasha Jurgen Klopp ayaa u socda inay kulankoodii 1aad badiyaan sanadka 2017ka kadib markii ay barbar dhac la galeen kooxaha Sunderland iyo Plymouth.

Kulanka: Southampton Vs Liverpool

Tartanka: EFL Cup

Saacada: 10:45 Pm, Fiidnimo Saacada Geeska Afrika.

Garoonka: St Mary’s

Garsooraha: Neil Swarbrick

 

Wararka Labada Kooxood

Kooxda Southampton waxaa ka maqnaan doona kabtankooda Jose Fonte oo lala xiriirin inuu bixi doono bishan.

 

Dhinaca Liverpool Waxaa la filayaa inuu usoo laabto Philippe Coutinho oo wakhtigii inuu soo laabto loo qabtay dhamaaday. Lkn Joel Matip ayaa maqan iyo Sadio Mane ayaa isagana ku maqan tartanka qaramada qaarada Afrika oo xulkiisu ka qeyb galayo.

 

Reds waxaa sidoo kae ka maqnaan doona kabtankooda Jordan Henderson oo isagan dhaawacan.

 

Xogta Kulanka

  • Kooxda Liverpool ayaa 6:1 ku garaacday Saints kulan sidaan oo kale ahaa oo ah tartanka EFL Cup
  • Kooxda Southampton ma aysan gaarin Finalka tartankan tan iyo 1979.
  • Labada dhinac ayaa bareejo ku kulmay kulan ka tirsanaa horyaalka oo bishii November lagu ciyaaray isla garoonkan.

 

 

Safafka Macquulka Ah

 

Safka Macquulka Ah Ee Southampton: Forster; Cedric, Yoshida, Van Dijk, Bertrand; Clasie, Romeu, Ward-Prowse; Tadic, Rodriguez, Redmond.

 

Safka Macquulka Ah Ee LiverpoolKarius; Clyne, Lovren, Klavan, Milner; Can, Lallana, Wijnaldum; Firmino, Sturridge, Origi.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: