Gabriel Jessus Waxaa UU Ku Suganyahay Magaalada Manchester Balse Goormaa Ayuu Safandoonaa Kulankiisa Koowaad Ee Manchester City??

Kooxda Manchester City ayaa xilli ciyaareedkaan qaab dhexe ku bilaabatay horyaalka wadanka England ee Primer League,waxaana kooxda uu hogaamiyo Macalin Guardiola ay wax badan ka bedeshay shaxdeda kulamadii ugu dambeeyey ee ay dheeshay.

Guardiola waxaa uu inta badan ku ku jahwareerey qaabka uu kooxda u maamulilahaa ,waxaana uu sidoo kale sameeyey saxiixyo aan caadi ahayn.

Taageeriyaasha kooxda Manchester City waxaa ay Guardiola ku dhaleceeyaan inuu kooxda ka diray ciyaaryahano muhiim kuwaasi oo dhamaantooda ku wanaagsan kooxda dhan waliba.

Manchester City waxaa ay guuldaro kala kulantay , Chelsea iyo Liverpool , waxaana ay badiyeen Mancheser Derby iyo Arsenal , laakiin waxaa ay fadhiyaan booska 3aad ee Primer League.

Ciyaaryahanka wali la sugayo inay soo safto kooxda waa Gabriel Jessus kaasi oo kooxdaan kaga yimid dhanka iyo Brazil waxaana hada la ogaaday xilliga rasmiga ah ee uu safandoono.

Ugu dambeeyn Pep Guardiola ayaa laga sugidoonaa inuu garoon soo geliyo ciyaaryahanka reer Brazil kulanka axada markaas oo City ay la dheelidoonto kooxda Everton.

Ciyaaryahankaan ayaa kulankaasi maridoona tijaabadiisa koowaad ee uu isku barilahaa Macalin Guardiola waxaana macquul inuu durba la qabsado kooxda.

Gabiel Jessus ayaa kamid ahaa xidigihii xulka Brazil ka caawiyey muddo kadib inay hantaan bilada  dahabka ee Olombikada kadib markii uu tartankaasi wacdaro ka sameeyey.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: