Fikirka Aqristiyaasha Kooxda.com: “Kooxda Chelsea Ayaa Dhabiga U Qori Doonta Liverpool, Waxaana Xerta Klopp Lasoo Xasuusin Rikoor Xun Oo Ay Ugu Danbaysay 94 Sano Kahor”.

Markale wacan asxaabta Kooxda.com waa barnaamijkiinii aad Khaaska u lahaydeen ee Fikirka Aqristayaasha Kooxda.com, kaas oo aad noogu soo gudbin jirteen ra’yigiina, saadaalinteeda iyo waxkasta oo aad ka aaminsan tihiin Kubadda Cagta iyadoo Kooxda.com fursad idiin siisay inay usoo gudbiso bulshada inteeda kale, waxaana idinka raali gelinaynaa inaan isbuucyadii lasoo dhaafay soo gudbin fikirkii aad nala wadaagteen, Webka oo dib u habayn ku socotay!!

Aqristahaan ayaa ku bilaabay “Asc Saaxiibayaal Magaceygu waa Mustafe Maxamed oo jooga wadanka Itoobiya. Waxana jeclaa inaan saadaal iyo ra’yi ka dhiibto kulanka adag ee habeen danbe Anfeild ku dhex mari doona nimanka Liverpool iyo Chelsea”.

“Kulankan ma ahan mid sahlan balse waxaan saadaasheyda ku bildhaamin doonaa aniga oo adeegsanaya aqoontayda aan uleeyahay ciyaaraha, natiijooyinka Liverool ee maalmahan danbe, Mooralaka Chelsea, Qolka labiska Blues, Iyo Xaaladaha ku hareeraysan kulanka dhamaantooda.

“Sida aad la socotaanba kooxda Liverpool xaalku waa ku xunyahay waxa ayna la kulmeen sadex guuldaro oo xiriir ah kuwaasi oo ay ka qaabileen kooxo aan mudneyn inay garoonkan faca weyn leh ku badiyaan waliba mar iyo laba. Su’aasha ugu fudud ee qalbigaaga kusoo dhici karta ayaa ah Oo Meesha Wolves guusha ku gaartay maxaa Chelsea ka hor istaagi! Kooxda Liverpool ma dhicin in 94 sano afar kulan oo isku xigta looga badiyo Anfeild balse waa sida ay hada ku socoto iyo saameynta Klopp. Dhinaca Chelsea hadaan wax ka fiiriyo wiilashu waa diyaarsanyihiin, qolkooda labiskuna waa nuurayaa sidii khilaafkii Diego Costa iyo xeeladyahanka reer talyaani loo xaliyay”.

“Wiilasha Galbeedka London Natiijooyinku maalmihii u danbeeyay way isugu toosnaayeen balse kulankan ayaa ah mid aad u adag oo ay waliba adagtahay in laga sii hor dhaco. Waxaan se arkaa in Liverpool tabartii iyo awoodii ka dhamaatay. Aan Dhinaca Liverpool jaleeco e halka xaalad ee awoodooda siyaadin karta ayaa ah in Sadio Mane usoo laabtay lkn waxaa is weydiin mudan wiilka ma kusoo bilaaban karaa? Ilama ahan inuu kusoo bilaaban karo balse kursiga keydka waa lasoo dhigan karaa. Daafacyada qaabkan ku jira ee ay kamid yihiin Luiz, iyo Azplicueta ma ahan kuwo u jixin jixaya wiil keydka soo fadhiya balse natiijada ciyaartaba waxaa la kala goosan qeybta hore ee Ciyaarta”.

“Xaga Goolasha hadii aan jaleeco Liverpool waxaa u dhex taagan labo sanam oo mid kastaaba kan kale ka daranyahay. Ilama ahan in Courtois lala meel dhigi karo wiilasha tayada liita ee beryahan danbe laga dhaansado. Ugu danbeyntii Markaan dhan kastaba ka eegay natiijada waxaan dhaafin waayay 2:1 ay guushu ku raaci doonto askarta buluuga ah ee kasoo safartay galbeedka London” ayuu warbixintaan la yaabka leh kusoo afjaray.

Waxaanu aad uga xunahay in aqristaha warbixintaan nala wadaagay uusan noo soo dirin wax sawir ah iyo Facebook-kiisa oo tixraac u noqon lahaa hadii ay jiraan aqristayaal su’aal ka qabaa warbixintaan karbaasha ah ee oo uu ooda kasoo qaaday.

Aqriste hadii aad tahay Khabiir sports oo wax badan maskaxadiisa ka guuxayaan, ha caburin fikirkaaga nala wadaag aan si fudud bulshada Soomaliyeed ula wadaagnee, kusoo dir fikirkaaga oo dheer Viper Number 004368864730008 ama Facebook kusoo gudbi warbixintaada oo dhamaystiran halkaan Riix Wariye Mxaamuud Fantastic. ama Gmail Kooxda48@Gmail.com

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: