Fikirka Aqristayaassha Kooxda.com: Gurigooda Ayeey Dhibic Naga Tuugeen, Zlatan Ayaana Ku Habaarnay, Sadex Qodob Oo Man United Ku Tumi Karto Liverpool.

Markale wacan asxaabta Kooxda.com waa barnaamijkiinii aad Khaaska u lahaydeen ee Fikirka Aqristayaasha Kooxda.com, kaas oo aad noogu soo gudbin jirteen ra’yigiina, saadaalinteeda iyo waxkasta oo aad ka aaminsan tihiin Kubadda Cagta iyadoo Kooxda.com fursad idiin siisay inay usoo gudbiso bulshada inteeda kale, waxaana idinka raali gelinaynaa inaan isbuucyadii lasoo dhaafay soo gudbin fikirkii aad nala wadaagteen, Wepka oo dib u habayn ku socortay!!

Markaan waxaa nasiib u yeeshay Faarax dalmar oo ku magac dheer Faarax Fantastic oo sheegay inuu si wayn u taageero United, xataa wuxuu soo raaciyey “waan u dhintaa United”

Wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “waa kulan adag oo aan sugi la’ahay, laakiin waxaan qabaa in si fudud sadexda dhibcood u taal Old Trafford.”
Sadexdaan qodob darteed ayaan Liverpool ugu xasuuqi doonaa gurigeena.

1: Garoonka la joogo waa Old Trafford, ma xasuusto Liverpool oo halkaas nooga badisay dhowaanahaan, ciida ayaa noo hiilin doonta oo halkaas ayaan albaabada u xiran doonaa.

2: Zlatan waa ogtahay inuu cirka marayo, mana jirto wax maalinta axada ka celin kara shabaqa Liverpool, wuxuu joogaa waqtigiisii ugu fiicnaa, waxaan qabaa inay noqon doonto habeenkii Zlatan.

3: xaalada aan ku jirno iyo inaan wada badinay 9-kii kulan ee ugu dambeeyey iyo anigoo xasuusan guuldaro nasoo gaarta waayadaan ayaa noo sahlaysa inaan kilyaha ka garaacno Liverpool, hadda meel kusii qorta bahka Kooxda.com iyo aqristayaasheeda natiijada waxay noqon doonta 4:1 oo aan ku xasuuqi doono Liverpool insha allah.

Waxaan ka xunahay in aqristaha fikirkaan noo soo diray uusan soo raacin sawirkiisa iyo weliba ciwaankiisa FACEBOOK ee aqristayaasha raba ay kala soo xiriiri karaan, keliya warbixinta ayuu nala wadaagay!!!.

Aqriste hadii aad tahay Khabiir sports oo wax badan maskaxadiisa ka guuxayaan, ha caburin fikirkaaga nala wadaag aan si fudud bulshada Soomaliyeed ula wadaagnee, kusoo dir fikirkaaga oo dheer Viper Number 004368864730008 ama Facebook kusoo gudbi warbixintaada oo dhamaystiran halkaan Riix Wariye Mxaamuud Fantastic. ama Gmail Kooxda48@Gmail.com

Comments

comments

3 Responses to "Fikirka Aqristayaassha Kooxda.com: Gurigooda Ayeey Dhibic Naga Tuugeen, Zlatan Ayaana Ku Habaarnay, Sadex Qodob Oo Man United Ku Tumi Karto Liverpool."

  1. eeesh caa laa. waxaaasa imara naaadigu waa red delvis garoonkuna waa old Trafford square kulankuna Pl kooxda noo dhacaysanaa was liver marka sharaxaad kleba uma baaahna wa in aan sugnaa waxa ka dhaca insha allah

    Reply
  2. eeeshaa waxaaasa imara naaadigu waa red delvis garoonkuna waa old Trafford square kulankuna Pl kooxda noo dhacaysanaa was liver marka sharaxaad kleba uma baaahna wa in aan sugnaa waxa ka dhaca insha allah

    Reply

Leave a Reply