Fikirka Aqristayaasha Kooxda.com “Conte Kooxdaan Waa Bedelay, Liverpool Biyo Uma Kaban Doono, Horyaalkana Stamford Bridge Ayuu Ii Yaal, Hadaad I Aamini Waydo Fadlan Barnaamijkaan Igu Aamin”

Markale wacan asxaabta Kooxda.com waa barnaamijkiinii aad Khaaska u lahaydeen ee Fikirka Aqristayaasha Kooxda.com, kaas oo aad noogu soo gudbin jirteen ra’yigiina, saadaalinteeda iyo waxkasta oo aad ka aaminsan tihiin Kubadda Cagta iyadoo Kooxda.com fursad idiin siisay inay usoo gudbiso bulshada inteeda kale, waxaana idinka raali gelinaynaa inaan isbuucyadii lasoo dhaafay soo gudbin fikirkii aad nala wadaagteen, Webka oo dib u habayn ku socotay!!

Aqristahaan wuxuu ku bilaabay “ASC Magaceyga waa maxamed mukhtar xasan waxaan joga jowhar, dhamaan aqayaarta soo dhawaada barnamij yar oon ka diyarinay isbadalka uu kooxda chelsea ku sameyay macalin antonio conte xili ciyaareedkaan kadib xili ciyaareed aad u dhib badnaa taasi oo sabab u naqan gaartay in ay kooxda chelsea ay weyso xidigo muhiim ah sida Eden hazard,Diego costa,Thibaut courtois iyo xidigo kale lakin macalin antonio conte ayaa dadaal iyo waqti ku bixiyay sidii uu u soo celin lahaan kalsonida ciyaartooyda iyo tageeraysha blues taasi waa uu ku gooleystay maxuu kooxda ka badalay? Waa su,aal u baahan in lees weydiiyo run ahaantii waxaan soo qadaneyna qodobada ugu muhiim san ee uu isbadalka ku sameyay.

Talabada kowaad Waxa uu dhisay maamul ka kooban 11 nin uu ka soo aruuriyay horyaalka falaagada ah ee Serie A dalka italy kuwaas oo badalay jadwalka kooxda sida tababarka,jir dhiska,cuntada iyo wax yabo kale waxa kale uu sameystay falanqeeyalal gooni oo ay isla meel dhigaan xaaladaha kooxaha horyalka iyo tan kooxda chelsea sida tababarka kulanadii ugu dambeyay ay ciyartay iyo qaladaadka ay sameeyeen ciyaariyahanadiisa.
Mida labaad waxa uu badalay tatikada kooxda asigoo hindisay sax gil gishay horyaal ka Premier League wana 3-4-3! Shaxdaan Malahan sifo gaar ah oo lagu tilmami karo waa shax la holgaleyso xalada waqtigas ka jirta garoonka mid dafac iyo mid weerar tusaale hadii ay kooxdu damacsantahay in ay weerar tagto waxa dulanka qadayo 5 ciyartoy hadii qorshuhu yahay mid dafac waxa dafactamayo 5 ciyartoy oo garab ka heleyso raga ka ciyarayo qalcada dhexe e dafaca taasi waa sababta ay kooxda u guuleeysaneyso kulamo badan xiliciyaaredkan.

Mid kale waxa uu isbadal muuqda ku sameeyay gaashaan dhiga dhexe ee dafaca asiga oo dhegay xeyndaab adag oo abaanduule u yahay David luiz oo lagu daray cahill iyo Azpilicueta waxa kale oo wehliya moses iyo alonso oo mar weerar tamayo marna dafactamayo hadii aan eegno istaratigiyada weerarka Eden hazard oo laga dhigay jokar ama boos furan oo xur ah aya la micno ah in ay kooxda mar kasto weerar ahaato sido kale pedro oo ah dhaqajiye kubada horay u socodsiiya ayaa fursand u helay ka mid ahaanshiyaha 11 ka line upka ah asigoo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah halka Diego costa uu markasta xaadir ku yahay xariiqada sideed iyo tobanka ee garoonka ayaa u sahashay in uu ka mid noqdo shaqsiyaadka ugu sareeya hogaanka gool dhalinta.

Maamulka?

Gianluca Conte oo ah walalka antonio conte ayaa u xil saaran in uu soo aruuriyo macluumad kooban uu ku sabtan taktikada iyo muuqalada kulamadi ugu dambeyay ay ciyaartay kooxda ay wajaheyso chelsea iyo qaladadka ay sameyen kooxahas taasi oo fursad u siisay antonio conte in uu ogaado qaab ciyaareedka kooxaha ingatiiska.

Sido kale Paolo Bertelli oo ah macalinka jir dhiska ayaa badalay hanaanka jir dhiska kooxda asiga oo arod siiya ciyaartoyda malintii in ka badan 300 oo wareeg taasi oo la micno ah in ciyaartoyda ay ordi karaa 90 ka daqiiqo iyo ciyaarta iyo hadii loo baahdo daqiiqado dheeri ah wana sababta uu antonio conte u xushay ninka reer italy.

Waxa kale uu badalay macalinka goolwalaha asiga oo keenay Gianluca Spinelli oo kala soo shaqeeyay kooxda juve iyo xulka italy sido kale conte ayaa isku dayay in uu badalo technical Director michael Emenalo oo uu ku badalo walter sabatini oo ah nin horay ugu so shaqeyay kooxda roma
Julio Tous asigana ah falanqeyaha macalinka jir dhiska ayaa laga rabaa in uu falanqeyo xalada tababarka iyo ciyartoyda ku wanagsan tababarka
Tiberio Ancora ayaa asigana looga baahanyahay in uu ciyaartooyda uu siiyo cunto isku dheli tiran oo nafaqo taasi oo ciyaariyahanka misaankisa kordhineynin, ugu dambayn kulanka caawa Liverpool waxaan tusi doonaa sababta aan u nahay hogaamiyaasha godkooda ayaana kusoo aasi doona” ayuu hadalkiisa kusoo afjaray aqristahaan.

Fadlan Aqriste hadii aad u qabto wax su’aal ah aqristahaan Jowhar madaafiicda kasoo gamay fadlan kala Xiriir Facebook-kiisa Riix Halkaan

Aqriste hadii aad tahay Khabiir sports oo wax badan maskaxadiisa ka guuxayaan, ha caburin fikirkaaga nala wadaag aan si fudud bulshada Soomaliyeed ula wadaagnee, kusoo dir fikirkaaga oo dheer Viper Number 004368864730008 ama Facebook kusoo gudbi warbixintaada oo dhamaystiran halkaan Riix Wariye Mxaamuud Fantastic. ama Gmail Kooxda48@Gmail.com

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: