Fikirka Aqristayaasha Kooxda.com: Jose Waa Fuley, Coutinho Waa Xaadir, Ugu Dambayn Man United Shantaan Qodob Ayaa Lugu Dhuuqi Doonaa!!

Markale wacan asxaabta Kooxda.com waa barnaamijkiinii aad Khaaska u lahaydeen ee Fikirka Aqristayaasha Kooxda.com, kaas oo aad noogu soo gudbin jirteen ra’yigiina, saadaalinteeda iyo waxkasta oo aad ka aaminsan tihiin Kubadda Cagta iyadoo Kooxda.com fursad idiin siisay inay usoo gudbiso bulshada inteeda kale, waxaana idinka raali gelinaynaa inaan isbuucyadii lasoo dhaafay soo gudbin fikirkii aad nala wadaagteen, Wepka oo dib u habayn ku socortay!!

Markaan waxaan fursad u helay wiil lugu magacaabo Ahmed maxamud Farah oo jooga Muqdisho soomalia waxana uu taageero u yahay Arsenal, laakiin wuxuu doonayaa inuu saadaaliyo kulanka EL Clasico England ee Man United Vs Liverpool.

Wuxuu sheegay shan waxyaabood Oo Liverpool ka caawinaysa inay garaacdo Man united.

Wuxuu ku bilaabay “kulankaan waxaan guusha siiyey Liverpool, waxyana ku badin doonta Old Trafford iyadoo Jose Mourinho gurigiisa looga oohin doono, shantaan sababood darteed.

1: Jurgen Klopp waa ka burji sareeya Jose Mourinho, weligiis ayuu garaaci jiray, waan ogayan in Chelsea 3:1 Bridge beerka uga dhacay kulankii.

2: Liverpool waxaa usoo laabtay Coutinho kaas oo shaqo ka qabsan doona Man United.

3: Man United waxay ciyaari doonta daafac anagoo og in Jose yahay shaqsi kooxaha waa wayn daafac ka gala, taas waa qodob kale oo Liverpool guusha siin kara.

4: Daafaca Liverpool wuxuu noqday xadiid, ma jiri doonto wax gool ah oo laga sugi doono Ibra iyo weliba xulafadiisa, daafacaas xadiidka ah waa qodob kale oo Liver guusha siin kara.

5: Ugu dambayn waxaan qabaa in hadii Daniel Sturridge fursad la siiyo uu kasoo bixi doono booska Mane, waxay ila tahay in Man United gurigeeda lugu duban doono.

Halkaan kala xiriir aqristaha Fikirka hadii aad wax su’aal ah u qabto, Riix Halkaan, waxaan ka xunahay inuuusan sawirkiisa nala wadaagin!!

Aqriste hadii aad tahay Khabiir sports oo wax badan maskaxadiisa ka guuxayaan, ha caburin fikirkaaga nala wadaag aan si fudud bulshada Soomaliyeed ula wadaagnee, kusoo dir fikirkaaga oo dheer Viper Number 004368864730008 ama Facebook kusoo gudbi warbixintaada oo dhamaystiran halkaan Riix Wariye Mxaamuud Fantastic. ama Gmail Kooxda48@Gmail.com

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. hala qani says:

    waxaa masha kiheyso malahan sxb adoo arsinaal tageeraa aan tariikh kaahaystaa marks iska amus united sidii horamahan maistiri saas walls 8-2 3-2 rashford laidinkubaraaa barqakasexankatin Liverpool waanlefenaa ufiirso




.

%d bloggers like this: