Fikirka Akhristayaasha Kooxda.com: Klopp Waa Cabqari Wax Uuna Yaqaana Sida Loo Tumo Kooxaha Waaweyn, Saabahaan Dartoodna Faramadhnaan Ayay Blues La Laaban Doontaa.

Markale wacan asxaabta Kooxda.com waa barnaamijkiinii aad Khaaska u lahaydeen ee Fikirka Aqristayaasha Kooxda.com, kaas oo aad noogu soo gudbin jirteen ra’yigiina, saadaalinteeda iyo waxkasta oo aad ka aaminsan tihiin Kubadda Cagta iyadoo Kooxda.com fursad idiin siisay inay usoo gudbiso bulshada inteeda kale, waxaana idinka raali gelinaynaa inaan isbuucyadii lasoo dhaafay soo gudbin fikirkii aad nala wadaagteen, Webka oo dib u habayn ku socotay!!

Akhristahaan rayigiiisa nala wadaagay magaciisa waxa la dhahaa Najiib Abdi Abdillahi waxa uuna ku sugan yahay magaalada hargeisa waxa uuna nala wadaagay ra’yigiisa isagoona cadeeyaya inuu yahay taageere weyn oo kooxda Liverpool hadalkiisana ku bilaabay.

 

“ASC saaxiibyaal , waxaan ahay Kopp waxaana aaminsanahaay in cawada aan ka farxin doono dhamaan kooxaha horyaalkaan ku riyoonaya maadaaama hadii ilaahay idmo aan Anfield ku jiidjiidi doono garoonkeena Anfield”.

“Waxaan hubaa in dhamaan dadku igu raaci doonaan ra’yigayga marka laga reebo taageerayaasha Blues oo aan indhahoodu cirka arkayn ilaa la bireeyo” .

“waxaan tixi doonaan qodobo dhawr ah oo aan markhaati uga dhiganayo in aan leenahay milgaha iyo guusha” .

“Koolay labaatan jeer waan ka madadalo fiicanahay Chelsea balse waxaan caddayn karaa in aan saddex dhibcood qaadan dono xataa hadii ay toban dhibcood ahaan lahaayeen tobankaba aniga ayaa qaadan lahaa sababuhuna waa” :

Klopp:

Intaan wax kaleba la isla gaadhin ninka kooxda wataa miyaanu Klopp ahayn, miyaanu ahayn cabqariga ku takhasusay sida dhibcaha looga fara maroojiyo koxaha waaweyn , nasiib ayay ku lahayd Chelsea in aysan la ciyaarin kooxda Liverpool mudadii ay waday rikoorka guulaha xirirka ah waayo way iska si ogaan lahaayeen in aysan xataa hal dhibic kalasoo noqdeen.

Weerarkayaga 4 Afalaha Ah Oo Diyaarsan:

Mane diyaarad ayaa looso kireeyay isla hadana waxa uuba joogaa Liverpool hadii uu kusoo bilaaban waayana waa hubaal inuu soo geli doono qaybta danbe ee kulanka , wallee Dameeraha waa loo baqaa.

Lallana waa la nasiyey kulanki Wolves, Coutinho si dhamaystiran ayuu usoo wada laabtay, Firmino kaba daran wixii Conte ku qabsaday Stamford Bridge-na waa la xasuustaa markii 4-taasi ay wada joogen mar kalena waxay awood u leeyihiin inay soo celiyaan wacadarihi lugtii hore.

Sawaxan-ka Qabriga Cas.

Conte waligiis kuma uusan ciyaarin garoonka Anfield waana khibrad ka dhiman waayihiisa waana iska ogahay in uu imikaba sii cabsanaayo waayo muraayadaha ayuu ka daawaday in meeshaas ay tahay qabri lagu duugo kooxaha waaweyn.

You Will Never Walk Alone marka uu maqlo miyaanay isku dhex yaacayn dhamaan Blues, si kastaba garonka Anfield waxa uuu qaylin doonaa ilaa daqiiqada u danbaysa .

Rogaal Celiska Degdega Ah Waxa Uu Burburiyaa Shaxda Conte.

Alonso Iyo Mosses waxa ay mar walba caawiyaan weeraryahanada , la’aantoodna weerarka Bleus ma dhamaystirna .

Intii ay weerar soo qaadi lahaayeen waxay ku mashquuli doonaan sidii ay u joojin lahaayeen weerarda aan caannka ku nahay ee degdea ah .

Waan hubaa in Conte uu daafacyadaas kula dardaarmi doono in aysan inta badan soo bixin isla markaana ay digtooni u yeeshaan weerarada Mane ama Lallana ee degdega ah.

Baahida Guusha Iyo Digtoonida Guuldarrada.

Annagu kulankaan ayaan waxaan soo galaynaa anaga oo nalaka soo badiyay kulamo badan saddex ka mid ah ay ahaayeen Anfield mana doonayno in markii afraad oo isku xigta nalooka badiyo Anfild si aan usoo noolayni rikoorkii mudada dhera.

Waan dagaalami doonaa si aan farqiga usoo yarayno isla markaana aan tartanka ugu sii jirno waanuna difaacan doonaa si aan guuldarro foolxun isag ilaalino.

Mahadsanidiin dhamaantiin .

Najiib A,Abdilahi waa akhriste ku xidhan webka taagerayaasha kubada cagta soomaaliyeed e kooxda.com waxaadna ka heli kartaan Bartiisa Facebooka adiga oo halkaan riixaya

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. mubarig suleyman bashir says:

    asc
    Dhaman wxabn salmya bahda kooxda.com

    anigu hadn fikirkyga dhibto..chelsea horyalk ku qadimyso..waa lagaga daba iman …warba yaal

  2. Sçhølâr says:

    Mmmm!!!!!
    Caawa dhamaan kooxaha waa weyn ee plka sida Arsenl
    Totenham
    Man city
    Man united
    waxay
    dhinac joogaan Liverpool sidaas awgeed
    waa waxaan dhici Karin in chelsea in ay
    badiso iska daaye aanay jeepkeeda ku
    qaadan doonin wax ka yar guul darro
    waxna diyaara indhaha tagrayaasha
    saddex ka mida kooxaha ugu tunka
    wayn aduunka sidaas awgeed
    guul waxa 100% loo badiyay
    kooxda tageerayasheeda
    iyo gagidoodupa ay yihiin
    meesha ay joogaan uuna
    ku yaal qabriga lagu
    xapaalo kooxaha
    ugu caansan

    Liverpool 3:1 Chelsea

    Alla Mahadleh.




.

%d bloggers like this: