FA-ga Ingiriiska Oo Dacwad Kuso Oogay Kooxda Manchester City, Maxaa Lagu Haystaa?

FA-ga ingiriiska ayaa dacwad kusoo oogay kooxda Manchester City dacwadaadi ayaa ka dhan ah isticmaalka dawooyinka mamnuuca ka ah kubada cagta oo lagu eedaynayo in xidigaha kooxda Man City isticmaaleen.

 

FA ingiriiska ayaa sheegay in kooxda Manchester City aysan warbidin buuxda ka keenin xidigahooda kuwa maqnaan kara, kuwa jooga, kuwa tababarka qaata maalin walba waxeyna ururku kooxdan uga shakiyeen in qaar kamida xidigaha ay isticmaalaan daroogooyinka mamnuuca ka ah kubada cagta.

Ma jirto wax caddeynaya in xidigaha Man City isticmaalaan daroogooyin lkn waxaa looga shakisanyahay sababta warbixinta kooxdu aysan u aheyn mid wakhtiga loo baahdo Update ah.

Sharciga FA-ga ingiriiska ayaa dhigaya in sababo la keeno hadii xidigaha qaar ay tababarka kasoo habsaamaan ama ay tababarka xilligii loogu talo galay xilli ka horaysa ka baxaan waana war bixinada lagu haysto in kooxda Manchester United aysan koontaroolin.

 

Qoraal kasoo baxay boga rasmiga ah ee FA ayaa u dhignaa sida tan:

“Manchester City have been charged in relation to The FA’s rules on Anti-Doping:https://t.co/Kq5ld5G4Fc— The FA (@FA)January 11, 2017”

“Manchester City waxaa lagusoo rogay dacwad ka dhan ah shuruucda daroogo diidka ee FA”

Warbixino aan sax aheyn amaba aan dhameys tirneyn ooo xidigaha laga geeyo ayaa sababi karta inay dhacdo in xidigaha qaarkood aana laga baarin baaritaanada daroogoooyinka mamnuuca ka ah ciyaartoyda.

Si kastaba kooxda Manchester City ayaa haysata ilaa iyo 19ka January si ay jawaab uga bixiyaan dacwadan lagusoo ooga.

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: