Didier Drogba Oo Diiday Inuu Meesha Ka Saaro Suurto Galnimada Uu Dib Ugu Laaban Karo Kooxdiisi H-re Ee Marseille Balse Waa Hadii Loola Dhaqmayo Sidii Ciyaartoy Oo Kale.

38 sano jirka reer Ivory Coast ee Didier Drogba ayaa sheeagy in uu wali awoodo inuu garoomada kusii jiro sannado kale sidaa awgeedna uusan qorshaynayn inuu kabaha siibo isla markaana uu ka hawlgabo kubadda cagta.

Halyeeyga kooxda Chelsea ayaa sidoo kale sheegay inuu dalab ka helay kooxdiisi h-re ee Marseille isla markaana ay suurto gal tahay inuuu ku laabto Horyaalkii uu kusoo shaac baxay ee Laague 1 wa hadii ay kooxdiisi h-re ay muujiso doonis dhab ah  isla markaana loola dhaqmaayo sidii ciyaartoy oo kale.

Libaaxan  ayaa sheegay inuusan marnaba ogolaan doonin in la dhimo mushaharaadkiisa isagoona dadka ku dhaleecaynaya inuusan jeclayn kooxdiisi H-re ee Marseille u sheegay inuusan u shaqayn si uu lacag yar u shaqaysto isla markaana uusan maamulka kooxda reer France ku khasbi doonin inay dib usoo celiyaan isaga.

Drogba hints at Marseille return as he states intent to play on

“Waxaan haystaa doorasho aan dib ugu laabto Frane, balse wax intaas ka badan ma dhihi doono” ayuu Drogba ugu warramay Canal+ ” waxaan rajaynayaa inaan malin uun oofiyo ballantaydii ahayd inaan maalin uun ku laaban doono kooxdaydii h-re[Marseille] waana wax la samayn karo middaasi”

” Kulaabashadayda Marseille waa su’aal i daba taagnayd ilaa 12 sano, mar kasta oo aan jawaabana dadku waxa ay u malaynayeen inaan iska hadlaayo”

Drogba oo hadalkiisa sii waata ayaa yidh” Ciyaartoda ayaad u ogolaanaysaa inuu baxo, dhaqaale ahaanna waxa uu ku noolaan karaa nolol wanaagsan, waxaadse hadda doonaysaa inuu soo laabto adigoo mushaharkiisa kala badh tuuraa, intaa ka bacdi waxa aad odhanaysaa ninkaan ma jecla Marseille, Yaa u shaqeeya si uu lacag yar u helo?”

“waxaan doonayaa inaan usoo laabto sidii ciyaartoy oo kale, xataa anigu waxaan sameeyay wixii layga baahnaa si ay arrintaasi u dhacdo, balse marnaba maamulka koxda kuma khasbi doono inay dib iiso celiyaam”

“Waxaan doonayaa inaan ciyaaro” ayuu intaas ku daray ” weli waxa aan haystaa lugahaygii waxaanan dareema sidii inan yarahay marka aan kubada haysto, jilbahayga uun ayaa yara dabcay marka la barbar dhigo sannadkii h-re balse imika waxaan dareemayaa inaan fiicanahay ” sidaas ayuuna Drogba hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Didier Drogba ayaa sannadkii 2004-tii kooxda reer France uga wareegay dhanka kooxda Chelsea isagoona sannadkiisi u horreeyayna 32 gool.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: