Saturday 25 November, 2017

Dib U-Eegid + RASMI: Waxay Ahayd Markii Ugu Horaysay Oo Hull City Darajadaan Timaado, Laakiin Taas Bedelkeeda Timo Wayne Felleini Ayaa Ka Baxay Abaartii League Cup.

Habeen fiican uma ahayn kooxda yar ee Old Trafford lugu jajabiyey ee Hull City ka dib markii is adkayntoodii qaybta h-e ay keentay in qaybta dambe loo qayilo oo labo gool hoosta loo geliyo.


Timo wayne Marouane Fellaini ayaa ka baxay abaartii goolasha ee ka haysatay tartanka League Cup oo uu ku dhowaad mudo afar sano ah goolal ka dhalin.

Xiddiga reer Belgium ee Marouane Fellaini ayaa bedel kusoo galay qaybta dambe, waxana uu madaxa ku dhaliyey goolka labaad ee United iyadoo ciyaarta ka harsan tahay sadex daqiiqo ka hor inta uusan Mata goolasha daah-furin xilli h-e oo qaybta dambe ah.


Hadaba Kooxda.com ayaa xusaysa inay ahayd markii ugu horaysay oo ay Hull City soo gaarto darajadaan afar dhamaadka ee League Cup, halka Marouane Fellaini tan iyo August 2013 uu dhaliyey goolkiisii ugu horeeyey ee League Cup.

Kulanka dambe ayaa lugu ciyaari doonaa guriga Hull City iyadoona United labo gool oo faa’ido ah farqiga ku wadato.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment