Dib U-Eegid + RASMI: Jurgen Klopp Oo Sanad Ka Dib Rikoor Xun Gadaal U Dhaxlay!!

Habeen fiican uma ahan ciidanka Jurgen Klopp maadaama kulankii lugta h-e ee wareega afar dhamaadka League Cup guuldarro 1:0 ah kala kulmeen kooxda Southampto.

Nathan Redmond ayaa ahaa geesiga kulanka lugta h-e ee garoonkiisa ka dib markii uu daqiiqadii 20-aad dhaliyey goolka keliya ee ciyaartaan go’aamiyey, halka dhamaadka ciyaarta uu dhalin karay goolka labaad hadii aysan birta ka beenin.

Kooxda.com ayaana xusaysa in Liverpool u tahay kulmo xiriir ah dhamaan tartamada oo dhan oo aysan wax gool ah shabaqa u dirin, tan iyo markii Jurgen Klopp laylinya kooxda qabtay Febraayo 2016 markaas oo aysan sadex kulan shabaqa soo taaban.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: