DEG DEG: Mid Kamid Ah Xidigaha Khadka Dhexe Ee Kooxda Arsenal Oo Looga Yeeray Koobka Qaramada Qaarada Africa

Kaliya maalmo kooban ayaa ka dhiman in la baaso ciyaaraha qaramada qaarada Africa waxaana jira qaar kamid ah xidigaha kooxaha ka ciyaaraan Primer League inay mar horee halkaasi aadeen.

Balse kooxda Arsenal ayaa mid kamid ah ciyaartooydeeda looga yeeray qaramada waxaana xidigaasi uu ka ciyaaraa khadka dhexe ee Gunners.

Ismael Bennacer  19 sano jir ah kana mid ah ciyaartooyda kooxda Arsenal ayaa lagu daray liiska xidigaha Algeria ee ka qeeyb gelidoonaan ciyaaraha koobka qaramda qaarada Africa.

Xidigaan ayaa ka qeeyb ahaa ciyaartooyda Arsenal ee ka badiyeen kooxda Sheffield Wednesday xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay kulan ka tirsanaa League Cup-ka.

Balse waxaa uu inta badan u ciyaarayey kooxda labaad ee Arsenal ,waxaa uu sidoo kale ka qeeyb ahaa ciyaartoouda xulka France.

Ciyaaryahankaan waxaa ay isku wadan yihiin Riyad Mahrez oo ka tirsan Algeria, waxaana uu la midoobidoonaa xulkiisa.

Taageeriyaasha ARsenal ayaa ka naxay markii soo gaartay fariin ah mid kamid ah khadkooda dhexe in looga yeeray koobka Africa.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: