Saturday 25 November, 2017

Cajiib: Jurgen Klopp Oo Caro Tii Ugu Dambaysay Dusha Uga Tuuray Ciyaartooydiisa Ka Dib Guuldarradii Southampton.

Jurgen Klopp ayaa caro xun ka muuqatay ka dib guuldarradii caawa kasoo gaartay kooxda Southampton waxana uu qiray sida uusan ugu faraxsanayn wiilashiisa qaab ciyaareedkii kulankaan soo bandhigeen.

Liverpool ayaa kulanka lugta labaad ciyaari doonto iyadoo lugu leeyahay gool, waxayna Anfield Road kusoo dhowayn doonta kooxda goolkaas leh ee Southampton.

“Ka dib goolkaas markii aan qaabilnay, jawaab celinteena iyo dhaq-dhaqaaqeenu ma ahayn mid wanaagsan” Jurgen Klopp oo dheg aan la qabto lahayn ayaa sidaas ugu waramay Sky Sports News.

Jurgen Klopp watches on sternly during the Premier League game between Sunderland and Liverpool on January 2, 2017
“Waxaan luminay waqtiga, mana ahayn kuwo isku filan oo jawaab adag keeni karay, waxkasta waa is bedelay, fal-celinteena ma ahayn mid wanaagsan. haa laga yaabee inay fududahay inaan sharaxo, waxaan samaynay go’aan qaldan, laakiin mar walba markaad ciyaarayso koob oo aad banaanka kusoo ciyaarayso oo aad gool qaabisho waa wax adag” ayuu sii raaciyey.

“Mar kale ayaan ku celinayaa, ciyaartooyda Liverpool fal-celintooda ma fiicnayn, run ahaantii waxaan eegi doona markale kulanka labaad, kaas uu noqon doonaa gebi ahaanba mid ka duwan kulankaan, kulankaas ayaan kala bixi doonaa”.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment