Liverpool Oo Guuldarro La Laqsiiyey Kulanka Lugta Horre Ee Afar Dhamaadka League Cup, Southampton Oo Gool Caato Ah Ku Badisay, Iyo Kulanka Kala Baxa Oo Anfield La Isku Balansaday.

Kooxda Liverpool ayaa guuldarro 1:0 ah kala kulantay kooxda Southmpton kulanka lugta h-e ee afar dhamaadka League Cup.

Kooxda Southampton ayaa ahayd kooxdii abuurtay fursadaha ugu badan qaybta h-e ee ciyaarta iyadoona ahayd xataa kooxda goolasha daah-furtay.

Shaxdii Labada Kooxood:

Southampton: Forster, Cédric, van Dijk, Yoshida, Bertrand, Clasie, Romeu, Davis, Tadić, Redmond, Rodriguez.

LIVERPOOL: Karius, Clyne, Lovren, Klavan, Milner, Lucas, Can, Wijnaldum, Lallana, Firmino, Sturridge

KAYDKA: Mignolet, Gomez, Moreno, Stewart, Coutinho, Woodburn, Origi

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay Kooxda martida ee Reds oo dagaal gaadmo ah soo qaadaysa, halka Satton ahay kooxdii heshay fursadaha rasmiga ah ee la sheegi karo.

Daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta ayeey timid fursadii ugu horaysay ee waynayd ee qaybta h-e, Lallana ayaa kubad karoos ahayd madaxa ugu soo celiyey Firmino, xiddiga reer Brazil ayaa kubad shuut qabadsiiyey, laakiin Foster ayaa sameeyey badbaadin caaqibo leh oo kooxdiisa uu ka saaray halistii.

Daqiiqad ka dib Southampton ayaa si adag uga jawaabtay in shabaqeeda la sigo, Nathan Redmond ayaa kubad uu keligiis ah ka helay xerada ganaaxa dhexdiisa, laakiin goolhayaha reer Jarmal ayaa sameeyey bad-baadin cajiib ah isagoona kooxdiisa Reds halistii ka saaray.


Ugu damayn daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta ayeey soo dhamaatay is ihorfadhigii labada ciidan, ka dib markii Satton shabaqa soo taabatay, Nathan Redmond ayaa kubad dhex-bixis ahayd oo uu helay waxa uu si fiican u dhex-dhigay shabaqa Reds.

Reds ayaanan samayn wax fursad halis ah oo la sheegi karo qaybta h-e iyadoona Daniel Sturridge oo weerarka hogaaminayey ahaa maqane jooga.


Reds ayaa nasiib ku lahayd inaan qayba h-e la dirin iyadoo labo gool lugu leeyhaya ka dib markii Nathan Redmond uu fursad halis ah oo gool la fishay markale ka beeniyey goolhayaha Liverpool ee kulankaan, ugu dambayn waxaa lugu kala nastay 1:0 oo ay Southampton ku hogaaminayso.


Markii la isku laabtay qaybta dambe ee ciyaarta Reds ayaa xooga ka yara fiicnayd sidii ahayd qaybta h-e, Philipp Coutinho ayaana daqiiqadii 60-aad garoonka lasoo geliyey iyadoona Georginio Wijnaldum la cunay, xiddiga reer Brazil ayeeyna u ahayd kulankii ugu horeeyey ee uu kooxda kasoo muuqdo lix kulan ka dib.

Coutinho ayaana tusay Reds wixii uu kala maqnaa kooxdiisa, isagoona wax wayn ciyaarta ka bedelay, waxana uu laf dhuungashay ku noqday daafaca kooxda Southampton.

Daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta Satton ayaa fursad rasmi ah oo gool waadax ahayd iska qasaariyey, Cedric Suarez ayaa kubad hal ka hal ah ula tagay goolhayaha Reds, laakiin banaanka shabaqa ayuu ku dhuftay.

Hadii Nathan Redmond aysan kubadiisii birta ka beenin daqiiqadii 83-aad waxay ahaan lahayd in Liverpool labo gool qaabisho, halka Southampton hal lug lasii gasho dhamaadka League Cup oo lugu qaban doono Wempley, laakiin birta ayaa ka beenisay kubad uu Long banaanka soo dhigay oo uu si wanaagsan goolhayaha Liverpool uga dul qaaday.

Ugu dambayn ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1:0 oo ay guusha ku raacday kooxda Southampton, waxaana kulanka lugta labaad lugu kala bixi doonaa Anfield Road oo lugu ogaan doono kooxda Wempley u xaadirta oo dhamaadka League Cup lugu qaban doono.

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.