Wenger Oo War Cad Ka Yiri Mustaqbalkiisa Kooxda Arsenal, Toloow Xilli Ciyaareedka Dambe Ma Sii Joogayaa Mise Waa Uu Dhamaatay ?

Tababare Wenger ayaa ku adkeeystay in uusan ku deg degyn in uu kooxdiisa u saxiixo hishiis cusub xilli midkiisa haatan uu dhamaaanayo xilli ciyaareedkaan

Macalinkaas bartilmaameedka u ah kooxda PSG ayaa ka dib guul darooyinkii Man City iyo Everton waxa uu helayaa baaqayo ah in uu isaga fariisto shaqada kooxdaas

Balse macalinka ayaa haatan si cad u yiri ” mar waliba waan sheegaa hadana waan ku celin halka aan xili ciyaareedka dambe ahaanayo aniga ayaa qiimeynaya oo qaadanaya go`aankeeda, kooxdana xor ayay u tahay in ay iyana i sheegaan go`aankooda”.

” Ma aha in aan halkaan ku leeyahay xaquuq badan maadaama waqti badan joogo ,kooxda iyo aniga hal dhinac ayaan wax u wadnaa waan danta kooxda halkaay ku jirto , kooxda miyay ku faraxsan tahay in aan baxo,waan arkeynaa wax waliba”ayuu yiri Wenger

” Dhib uma arko in aan hishiis cusub saxiixo marka inta hishiiskeyga ka dhamanayo ma jirto wax laan sheegi karo” ayuu sii raaciyay Wenger

Hadalkaan Wenger ayaa laga dhadhsan karaa in macalinka uu doonayo in uu baxo marka hishiskiisa dhamaado ka dib dhowr iyo toban sano oo uu kooxdaas soo hayay

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in macalinka Atletico Madrid ee Diego Simeone si weyn loola xariirnayo shaqadaas Arsenal haddii ay dhacdo in Wenger uu baxo xilli macalinkaas reer Argentina uu hishiiskiisa kooxdaas reer Spain uu dhacayo sanadka 2018-ka balse qudhiisa horyaalka Ingiriiska ayay kaga dhagan tahay

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.