UEFA Oo Shaacisay Garoonka Lagu Marti Galin Doono Finalka Koobka Ueropa League Sanadka 2018ka, Waa Mid Kamida Garoomada France

Ururka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay kooxda marti galin doonta Finalka koobka Ueropa League ee sanadka 2018ka taasi oo ku began xilli ciyaareedka danbe.

Waxay uruku shaaciyeen in kama danbaysta kulanka Europa League ee xilli ciyaareedka danbe lagu qaban doono garoonka Lyon ee reer France.

Lyon to host 2018 Europa League finalGaroonkan ayaa qaada 59,286 oo shakhsi waxaan la furay Euro 2016kii isaga oo tartankii Uero 2016kii marti galiyay 6 kulan.

 

Tartanka Ueropa League ayay sadexdii xilli ciyaareed ee uGu danbeysay ku guuleysatay kooxda reer Spain ee Sevilla lkn xilli ciyaareedkan ayay ku biireen Champions League. Xilli ciyaareedkan Finalka koobka Europa League waxaa marti galin doonta Solna, wadanka Sweden.

 

Northern Ireland iyo Republic of Ireland waxey iyaguna marti galin doonaan Finalka UEFA Ee 19 Jirrada ka yar iyo Final UEFA 17 Jirka ka yar Sanadka 2019 sida ay u kala horeeyaan, Halka wadanka Scotland marti galinayaan Finalka UEFA-ga dumarka 19 jirka ka yar.
Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: