Taxnaha Premeir League: Falanqaynta Kulamadii Todobaadka,Rikooradii Todobaadkan, 5 Cashar Oo Aynu Baranay, Jadwalka Kala Sarraynta Horyaalka,10-ka Weeraryhan Ee Ugu Fiican Taariikhda Horyaalka Iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Badan.

Bismillaah.

Assalaamu calaykum akhristayaasha sharafta leh ee kooxda.com waa isniin kale iyo barnaamijkeenni xiisaha lahaa ee TAXANAHA PREMIER LEAGUE .

 Barnaamijkaan ayaanu  sida caadada ahba ku falanqaynaa  kuna soo qaadannaa warar iyo qodobo xiiso leh oo ku saabsan premier league waxaana idiin soo ururiyay aniga oo ah ADNAN ABDIRAHMAN MOHAMED waxaynuna maanta kusoo qaadan doona qodobo ay ugu horeyaan ; Falanqaynta iyo faaqidaadda kulamadii todobaadkan ,Rikoorada ilaa haatan laga diiwaan geliyey Epl,Jadwalka kala sarraynta horyaalka Epl, 10-ka weeraryhan ee ugu fiican taariikhda Epl .

************

 *Falanqaynta Kulamadii Todobaadka

Haddii an si guud u dul marno natiijooyinkii todobaadkii 14-aad ee EPL ugu waaweyna ; kooxda Chelsea ayaa cashar lama ilaawaan ah Etihad ugu dhigtay kooxda Manchester City, Arsenal khumaasiya ayay u hadiyadaysay Hammers,Tottenham kama yaraysan, Liverpool rikoor ayaa ka jabay saddexaadna waxay ugu soo dhacday 4:3 ciyaar laga habaarsday dhanka kalena Mancheseter United ayaa ka baxsan kari wayday kooxda Everton.

Manchester City  1-3  Chelsea

Kulankii ugu horreeyay uguna weynaa todobaadkan aya dhex maray laba Kamida kooxaha Murqa weynta Ingiriiska waa Manchester City Iyo Chelsea e waxaynuna daawanay Ciyaar Xamaasadeeda Wadatay Oo Lugaha Iyo Gacmahaba  Laga Wada sheekaysanayey.

Kooxda Manchester City ayaa qeybtii hore ee ciyaarta garoonka ka libaaxeysay iyada oo dhamaadkii qeybta hore dhulka la goysay Chelsea kaddib markii dafaca Gary Cahil gacantiisa isku bireeyay sabaqiisana ruxay kadib kubad uu soo karoosay Jesus Navas.

Nasiib darro goolkaas aya keliya noqday keliya mid hurdada ka kiciyay libaaxyada Chelsea kuwaas oo rabay inay kala goostan ugaadha dhex yacaysa garoonka Etihad balse waxa la baxsaday keliya daqiiqadaha nasashada ee kulankan.

Intaas kaddib maxaa dhacay , loogama sheekayn karo niman daawanayn .  Waxaa la isugu soo laabtay qeybtii 2aad ee ciyaarta xilli labada kooxoodba ay isku dhaarsanaayeen waxaana fursado dahabi ah iska khasaariyay xidigaha kooxda Manchester-ta buluuga ah lakiin Chelsea ayaa iyadu fursadahaasi ku ciqaabtay isla markaana labo gool oo darandoori ah ugu bedeshay iyaga oo 2-1 hogaanka ku qabtay ciyaartuna faraha ayay ka baxday kadib markii si kedis ah Chelsea u dhalisay goolkeeda 3-aad.

Xidigaha kooxda Muwaadiniinta ayaa bandhigaas halaaga ah ka gedooday iyagoo u qadan waayay natiijada sida lama filaanka ah isku bedeshay waxaana gadoodkas awgii si axmaqnimo leh David Luis u faawalay  weeraryahanka kooxda Manchester city  Sergio Aguero kaasi oo lagu abaal mariyay calaamada guduudan.

balse waxaa taasi kasii darnaa isla daqiiqadaas uun markii uu Fernandinho gegada ka dhigay meel masaarico lagu dheelo isaga oo Cesc Fabregas dhirbaaxo iyo gujo garoonka kaga saaray sidoo kale waxaa isagana lagu maca salaameeyay kaarka cas.

Ugu danbeyn Kooxda Chelsea ayaa guul dahabi ah oo ay hogaanka horyaalka kusii dheereysatay ka gaartay dhigeeda Man City oo marti loogu ahaa Etihad Stadium Halka kooxda Manchester City ay khasaare laxaad leh la kulantay, kasokow in garoonkooda dhibco looga xoogay, waxaa dhowr usbuuc ka maqnaan doona xidigaheeda muhiimka ah Ee Aguero iyo Fernandinho.

Xiddigii Garoonka :- Diego Costa

*******************

West Ham  1-5  Arsenal

dhanka kale kooxda Arsenal ayaa iyana soo bandhigtay qaabciyaareed ad u sarreeya kaas oo u sahlay inay 5-1 kaga talabsadaan deriskooda West Ham kulan ka dhacay garoonka London Olympic ee kooxda Hammers.

Boqorka caawinta aduunka Mesut Ozil ayaa goolasha furay , Super Sanchez [hubka darandooriga u dhaca ee kooxda Gunners] aya saddexleey ku darsaday waxaana midka 5-aad isku qoray xiddig yaraha dabaysha ah ee Alex-Oxlade Chamberlain.

Kooxda West Ham ayaa ciyaaraysay kubbad furan iyagoo xiddiga Payet uu hnjabad ku hayay dafacyada gunners balse markasta wax ruxmayey shabaq kooxdiisa middas oo niyadda aan u wanaajin ninkaan reer France oo  mar walba caddaynayey inuu u qalmo gool ila uu ugu dambayn dadalkiisu keenay in kubaddisu birta kasoo go’do kadib joog dheere Carroll madaxa ku celiyo .

Mesut Ozil ayaa dhaliyey goolkiisii 28-aad ee casrigiisa Arsenal halka Alex uu dhaliyey saddexleydii saddexad ee ugu dhakhsiyaha badnayd taariikhda kooxda Gunners goolashaas ayana Arsenal u sahlay inay soo tiigsadan booska labad ee kala sarraynta horyalka.

Xiddigii Garoonka:- Alex Sanchez

***************

Bournemouth  4-3  Liverpool 

15 daqiiqo keliy ayaa liverpool la isku baray isla markana lagag jebiyey rikoorkii guuldarro la’aanta ee abid ay kooxda Bournemouth ka haysatay waxaana kooxda Reds ay si edab leh uga soo dadegday booska labaad ee kala sarraynta horyaalka.

Liverpool aya indhaha caalamka isku soo jeedisay kaddib markii ay dardar ku bilabatay horyaalka isla markana ay guul darrooyin baday kooxaha waweyn e horyaalka u tartamaya waxaase indhahaasi ay dawanayaan kooxd macllin Klopp oo dhawacyo iyo Ciyaar xumo la dhibtoonaysa.

waxay ahayd ciyar qabow oo hal dheeg ka socota waxana goolasha furay Sadio Mane oo tuurmo dheer ka helay Emre Can waxaana ay u muuqatay in wiilkani uu taagerayasha illowsiin doono maqnanshaha xiddigooda saxirka ah ee Philippe Coutinho.

Liverpool aya goolka labad si raxo leh kula timi waxaana khaladkas lahaa goolhaye Burac oo soo baxay isla markana shabaqiisa loo daba maray , Origi ayana si maskaxaysan oon khalad ku jirin u dhaliyey balse waa la isaga dambeeyay.

Wilson Fraser Cook ayaa kooxdooda goolasha si layab leh ugu soo celiyey halka Aké uu daqiiqadii u dambaysay xadhiga jaray kooxda liverpool guul darrona dhabarka u xambaariyey.

Xiddigii Garoonka: Fraser

********************

Everton  1-1  Manchester United

Kooxda Jose Mourinho ayaa markale dhibco gamaha ugu jiray iska daadiyey, iyagoona labadii daqiiqo ee ugu dambeeyey isku keenay Rigoore taas oo keentay in kooxaha Everton iyo United barbaro 1:1 ah ku kala baxaan.

Jose Mourinho ee Red Devils ay kulankaan ciyaaraysa iyada oo 14 dhibcood ka danbaysa Chelsea oo guul dahabi ah ku soo gaartay Etihad Stadium isla markaana hogaanka PL 34 dhibcood ku qabtay, wuxuuna Mourinho maanka ku hayey in rajada koobka horyaalka ee Man United ay sii brburi doonto haddii ay Everton guul ka soo gaarii waayaan.

Kooxda Everton oo garoonkeeda ku ciyaaraysay ayaa kulanka ku bilaabatay weerar kor ku dhisan iyo kubaddo karoos oo xooga.

Bolasio iyo Lukaku ayaana biloowga ciyaarta dhowr mar halis geliyey goolka kooxda United, laakiin wiilasha Jose Mourinho ayaa si fiican isaga celiyey.

United ayaa markeeda madaxa lasoo kacday waxayna doonaysay inay iska celiso kooxda ay martida u tahay, waxana jiray fursado ay qasaariyeen Zlatan iyo weliba Martial.

Iyadoo dhamaan qaybta hore labada kooxood iska qasaariyeen fursadihii ay heleen haba u badnaatee United ayaa ciidanka Jose markii ugu horaysay soo afjartay ismari waaga

Leighton Baines ayaa usoo istaagay kaas kulanka ka dhigay barbaro 1:1 ah, De Gea ayaa ku sigtay inuu rigoorahaas qabto laakiin faro cidiyo leh ayeey ka baxsadeen.

Ciyaarta ayaa kululaatay, labada kooxood ayaana wada raadinayey goolashooda labaad si ay u helaan sadexda dhibcood ee ciyaarta, laakiin ma noqon ugu dambayn ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbaro 1:1 ah, iyadoona sidaas Godison Park dhibchaha loogu qaybsaday.

Xiddiga Garoonka: Idrissa Gueye

********************

*Rikoorada Ilaa Haatan Laga Diiwaan geliyey Premier League.

-Baines ayaa gool u sarrifay 17 rooke 19 jeer oo  uu isu soo taagay Premier League (89.5%).

-Kooxd Manchester United aya guulaysatay 1 jeer sideedii kulan ee ugu dambeeyay ,6 ayay bareejo gashay halka mar kelena laga badiyey.

-Saddexleydii Alex Sanchez ayaa dhaliyey saddexleydii sddexaad ee ugu dhakhsiyaha badnay kooxdiisa arsenal.

-Guuldaradii qadhadhayd ee Liverpool kasoo gaadhay kooxda Bournemouth ayaa ahayd guushii ugu horrysay abid ee kooxdaasi ka gadho dhigeeda Liverpool .

-Ryan Fraser xiddigi dilay kooxda Liverpool aya noqday xiddiga keli ah ee gool dhaliyey misana caawiyey Premier League xilli ciyaareedkan.

-Sidoo kale kooxda Liverpool ayaa 4-3 ku khasartay markii u horraysay ilaa 2000.

*******************************

*Jadwalka Kala Sarraynta Premeir League Ilaa Haatan

*************************

*Maxaan Ka Baranay Kulamadii Todobaadkan La Ciyaaray

1-Leicester Khatar Weyn Ayay Sannadkan Ku Sugan Tahay.

kooxdan xilli ciyaareedkii hore sida la yabka leh ugu guulaysatay horyalka Premier League aya maraysa dhibatadii ugu xumayd  iyadoo macallinkooda Claudio Ranieri uu sheegay in kooxdan wx kasta ka khaldan yihiin.

Leicester ayaa guul darraysatay 6 jeer 7 kulan oo ay ku ciyareen meel ka baxan garoonkooda waxayna laba dhibcood keliya ka sareeyaan booska looga dadego horyaalka.

koxdaan ayaa ku guul darraysatay inay buuxiyan booskii N’Golo Kante oo ku biiray Chelsea halka gool dhaliyahooda Vardy uusn Shabaqa urin muddo 16 kulan ah .

Kooxdaan aya loo baqaa, waxana ay qarka u saaran yihiin inay u dhaadhacan horyalkii ay hore uga yimadeen ee Championshipka.

2-Chelsea Waxa Ay Sii Xoojinaysaa Keliya Inay Tahay Koox Horyalka U Tartamysa

Kooxda Macallin Conte ayaa tartan xoogn ugu jirta inay sannadkan hanato horyalka Premier League-ga waxaanay guushii sideedad ee isku xigta ka gaadhay kooxda horyalka kula tartamaysa ee Manchester City iyadoo isla markaasna xasuuq ba’an u geysatay .

3-Tartanka Liverpool Weli Ma Dhamays Tirna.

Tan iyo malinkii uu macallin Klopp yimi qalcada Anfield, Kooxda Liverpool ayaa ku raxaysanaysay bandhig cajiib ah iyadoo  weerarka kooxdaas uu ahaa mid u furan ciyartoy kasta.

Roberto Firmino, Adam Lallana, Sadio Mane, iyo xidigga dhaawacan ee Philippe Coutinho ayaa kooxdaan ka dhigay midda ugu goolasha badan horyaalka midaas oon ila imika is dhimin balse kooxdan aya dhib ka sheeganaysa dafaca iyo gool hayaha.

Lucas ma noqon karo bedelka Matip halka Dejan Lovren uu soo bandhigay qab ciyaareed habaar ah kulankii xalay kaas oo Liverpool saddex dhibcood ka lumiyey si la mid ah Goolhaye karius .

4-Manchester United Waxay Hadaba Ka Quusan Karta 4-ta Sare.

Waxaad mooda in afarta kalin ee hore ee horyalku ay u carbuunan yihiin afarta hadaba u sareeya oo lagu daray kooxda Spurs isla markaana aanu boos uga bannaanayn kooxda Manchester United.

Ilaa haatan kooxda Manchester ma aysan soo bandhigin bandhig lagu riyaqo waxaana ay khatar ugu jirta in ay mar kale seegto tartamada Yurub.

5-Ugu Danbayn Sunderland Waa Ay Soo Kacday.

Black Cats ayaa guulaystay 3 kulan afartii kulan ee ugu dambaysay Premier League iyagoona hal dhibic u jira inay ka soo dallacaan saddexda hoose kana sara maraan West Ham iyo Leicester city.

Macallin David Moyes aya  ilaa November  sugaayey guushii ugu horraysay xilli ciyaareedka kaddib bilabashadii ugu xumayd abid tarikhda Epl waxaase ugu danbayn ay kusoo laabanayaan wadada guusha iyagoo dhibcahoodana u uruursanaya si hufnaan ah.

*****************

*Drogba? Van Nistelrooy? Van Persie? Maxaad Ka Taqaanaa 25ka Weeraryahan Ee Ugu Halista Badan Taariikhda Premier League.

Horyaalkaan Premeir League waxasoo maray qaar kamid ah weerar yahanada ugu fiican aduunka kuws oo horyalkan ka dhigay midka ugu fiicn horyaalka sidaa awgeed waxan idiin soo koobi doonna

FG: ciyaartoydu waxay u kala sareeyaan sida u kala halis badnaayeen maaha heerka gool dhalinta iyo kooxaha ay u dheeli jireen.

10. Andy Cole. (England/Manchester/Newcastle) [ 187 gool ] dhaliye halyey ah ayuu ka noqday kooxaha New Castle iyo Manchester United isagoo markii danbena u ciyaaray kooxaha Blackburn,Fulham,Manchester City iyo bournemouth intii uu ku gudo jiray xirfadiisa kubadeed.

9.Gianfranco Zola. ( Italy/Chelsea) Mid ka mida weeraryahanada loogu jecel yahay marwalba. laacibkii Chelsea waxaa lala barbardhigi jiray Maradona-hii Napoli

8.Wayne Rooney ( England/Everton/Manchester United) [ 194 gool] Kaptanka imika ee saddexda libaax iyo kooxda Manchester United waa mid tayadiisa aan la inkiri karin, labalaaydi maqaska ahayd  ee uu ka dhaliyay Man City , jeegaantii Newcastle iyo goolkii masaafada fogaa ee West Ham uu ka dhaliyay goolashiisa xasuusta ugu badan ku haya daawadayaasha EPL ee lagu xasuusto xiddigan.

7.Robin Van Persie (Netherland/Arsenal/Manchester United) [ 144 gool ]

Ninkan Dutch-ka ah wuxuu ahaa dhamaystire aan caadi ahayn Intii u dhaxaysay January 2011 ilaa May 2013 wuxuu saxeexay 74 gool oo horyaalka ingiriiska layaab!!!

6,Eric Cantona. (France/Manchester United) [ 70 gool]

Wuxuu qayba weyn ka qaatay kacaankii Manchester United kadib markii uu 1992kii ku xidhmay Red Devils. Hibadiisa iyo wacdarihii uu soo bandhigayey markasta waxay ka caawsay ALEX FERGUSON iyo wiilshiisii inay noqdaan awoodii England ugu saraysay ee waqtigaas.

.5.Dennis Bergkamp (Netherland/Arsenal) [ 87 gool] Ciyaaryahnkii hore ee Arsenal kaliyaata ma uusan ahayn goaldhaliye laakiin sidoo kale wuxuu aha weerar dhexe. run ahaanti wuxuu lafdhabar u ahaa saddex horyaal oo ay Guuners ku guulaytay intuu joogay

4. Didier Drogba ( Ivory coast/Chelsea) [ 104 gool]

Hororkii chelsea labo sano ayay ku qaadatay inuu la qabsado PL-ka isago kaso wareegay dhankaa Horyaalka France wax yar ka bacdina wuxuu noqday astaanta weerarka kooxda Blues.

3.Ruud Van Nistelrooy(Netherland/Manchester United) [ 95 gool ]

Shan sano oo kaliya ayuu u ciyaaray Man united isagoo 2007-dii  u wareegay naadiga Real Madrid.

2. Alan Shearar (England/ Blackburn) ,[ 260 gool]:

Wuxuu isku qoray ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan PL kaliyaata hal mar ayu ku guulaytay pl markaas oo uu u qaaday Rovers 1995kii

1.Theirry Henry( France/Arsenal) [ 175 gool]

Halyeygii hore ee Arsenal ayaa ku guulaystay 4 jeer gool-dhalinta premier league wuxuu ahaa mid khaas ah aadna ay uga cabsadaan daafacyada kasoo horjeeda

 

Ma tahay Akhriste qaba ra’yi ku saabsan barnaamijkeenan todobaadlaha ah Halkan ayaad fariin noogu dhaafi kartaa iyo sidoo kale qaybta falcelinta hoose .

Mahadsanid

Waabillaahi Towfiiq

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: