Su`aal Adag : Yuu Gonzalo Higuaín Taageerayaa Kulanka Real Iyo Napoli Ee Champion-ka ,Isaga Ayaa Ka Jawaabay

Weeraryahanka kooxda Juventus ee  ayaa ka hadlay kulanka wareegga 16-ka Champion-ka ee dhex maraya kooxihii uu horay ugu soo ciyaaray ee Real Madrid iyo Napoli

Bogga Devinsa Central ayuu laacibkaas reer Argentina ka yiri” shaki kuma jiro in Napoli kullan addag ku noqonayo ka hor tagista Real balse kullan xaraarad leh ayuu u noqonayaa labada koox’.

” Real Madrid mar waliba waxa ay raadiyaan guul halka Napolina xilli ciyaareedkaan ay aad u wacan yihiin ,ma saadalin karo kooxda kulankaas ku guuleysanaya”

” Dhowr sanno ayaan labada koox u soo ciyaaray waxaan rajeynayaa in kooxda wacan ay ku soo baxaan wareega bug baxda Champion-ka” ayuu sii raaciyay Gonzalo Higuaín

Mar la weydiiyay kooxda isaga uu jecel in midkood baadiyaan kulankaas ee Real iyo Napoli ayuu Gonzalo Higuaín yiri ” labada koox waxaan u hayaa qaddarin ,midkii guuleysta waan ku farxayaa”.

Lugta 1-aad ee wareegga 16-ka Champion-ka ayay labadaas koox wada ciyaarayaan 16-ka bisha waxaana lagu ciyaarayaa garoonka Real halka kullanka labaad uu dhacayo 7-da March

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: