Qiimeynta Xidigha Reds Kulankii Ay Liverpool Xasuuqday Stoke City: Kumaa Ahaa Shumaca Garoonka?

Kooxda Liverpool ayaa guul soo labasho leh ka gartay dhigeeda Stoke City iyada oo afar gool ku muquunisay wiilasha Anfeild soo daan-daaansaday.

Walow Kooxda Stoke ay goolka ku horaysay hadana wiilasha Klopp ayaa muujiyay sababta ay kamid u yihiin kooxaha ugu wanaagsan ee horyaalka u tartamaya iayaga oo sida tusbacxa u tiriyay afargool oo kala daran.

Qiimeynta dhamaan xidigihii Liverpool:

Mignolet -6 Wuxuu eed kulahaa goolka ka dhashay lkn sida kale aad ayuu u fiicnaa.

Clyne-6 Qeybtii horre wuxuu ka liitay dhanka daafaca lkn qeybtii danbe wuu ficnaaa

Loven-5 Wuu liitay wuxuuna ahaa dhibane weerarka Stoke u nugu, wuxuu ku guul dareystay inuu Walters oo goolka dhaiyay wax ka qabto.

Milner-7 Qeybtii horre heersare ma aheyn lkn markii danbe ayuu khatar noqday

Henderson-7 Kabtan ku heersare ma aheyn lkn aad ayuu u fiicnaa wuxuuna ahaa hogaamiye wanaagsan

Wijnaldum-7 Wuxuu ahaa mid fiican wuxuuna saaameyn weyn kulahaa gabi ahaanba ciyaarta

Lallana-9(MOTM) WUxuuu ahaa birlab lagu daray laxaamad oo xoogan. Wuxuu caaawa ahaa caaqil indhaha kala haya oo kubada akhrisanaya. wuxuu ahaa shumaca garoonka.

 

Mane-8 Alla mxuu weeraryahan halis badan yahay! WUxuu ahaa mid halis badan markasta wuxuuna waran ku ahaa daafaca Stoke. Wuxuu noqon doonaa mid la tabi doono markuu usb uuc kadib aado Afrika.

Origi-6 Wuu kusoo bilowday ciyaarta wuxuuna lahaa gool caawin.

 

Keydka Kasoo Kacay

Can(Lallana 68 Mins)-6

Sturridge(Origi 68 Mins)-7

Moreno(Firmino 79 Mins)-6

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: