Qiimeynta Ciyaartoyda Manchester United Kulankii Ay Guusha Soo Laabshada Ah Ka Gaareen Boro

Kooxda Manchester United ayaa guuleysatay kulankii 5aad oo xiriir ah waana markii ugu horaysay oo sidaan dhacdo tan iyo 2014.

Wiilasha Jose Mourinho ayaa daqiiqado kooban gudahooda ku keenay 2 gool xilli gool looga hor maray waxaana goolasha ka saaciday Antony Martial iyo ninka aduunka ugu qaalisan ee Paul Pogba.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Halkaan hoose kaga bogo qiimeynta xidigaha Man United kulankii Boro.

 

De Gea 6– wax badan ma uusan ka qaban karin goolkii laga dhaliyay.

 

Valencia 6-Si fcn ayuu u daafactamay walow cadaadisku baashiisa.u badnaa hadana weerarka.marar ayuu qaadayay.

 

Blind 4– Caawa ma aheyn habeenkiisii waxaana cabsi galiyay Adama Troare. Wudu ahaa mid isku dhex daadsan qaasatan qeybtii.horre ee ciyaarta.

 

Smalling 5– Wuxu qalad kulahaa inuu fursad siiyo Negredo oo dhaliyay goolka Man United looga horeeyay.

 

Bailly 6- Markii horre xoogaa deganaan la’aan ayaa ku jirtay lkn dib ayuu ka fiicnaaday.

 

Fellaini 7– Aad ayuu u dadaalay goolna wuu raadiyay wuxuu maanta nafta u huray kooxda.

 

Herrera 7– Wuxu u ciyaaray si heersare ah o maskaxeysan.

 

Pogba 8– Waa ninka.caawa badbaadiyay kooxda shayaadiinta cas-cas wuxuuna ka badbaadiyay bareejo. Wuxuu abuuray fursado sidoo kalena wuxuu nasiib u yeelan waayay inuu fursado kale hool u bedelo.

 

Martial 8– Wuxuu ahaa heersare wuxuuna dhaliyay goolka United rajada usoo celiyay. Waxaa dhaawac soo gaaray 10kii daqiiqo ee ugu danbeysay.

 

Mkhitaryan 7- Wuu wanaagsanaa wuxuuna isku dayay inuu darbooyin dhaliyo.

 

Ibrahimovic 7– Wuxuu ahaa mid wanaagsan qeybtii horre wuxuu dhaliyay gool balse waxaa diiday garsoore Lee Masson.

 

Keydka:

Rojo-5

Mata-7

Rashford-6

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. mohamed says:

    qoraalkaan waxad soo qorteen in martial 10 ki daqiiqo ee dambe la badalay mana jiro warkaas ee dadka an daawan ciyaarta ha marin habaabina 3 badal ayaa la sameeyey waxayna kala ahaayeen felleini smalling iyo blind




.








%d bloggers like this: