Qiimeynta Ciyaartoyda Chelsea Kulankii Bournmouth: Kumaa Ugu Xumaa Kumaa Se AHaa Libaaxa Garoonka?

Kooxda Chelsea aya guul taariikhi ah ka gaartay dhigeeda Bournmouth xilli ay guuhsodii 12aad oo xiriir ah gaareen xilli ciyaareedkan. goolasha ay Chelsea guushan ku hanatay ayay uga mahad celinayaan xidigaheeda Eden hazard(1) iyo Pedro(2).

 

Hadaba halkaan waxaan idiinku soo gudbin qiimeynta xidigaha chelsea kulankii caawa ay guusha raaxada leh gaareen.

Bournemouth's Simon Francis fouls Chelsea's Eden Hazard and a penalty is awarded to Chelsea

Courtois 8 – Wuxuu sameeyay badbaadino cajiib ah darbooyin ka kala yimid Wilshere iyo Afobe second.

Alonso 7 – Wuxuu ahaa dhagax dixeed aan la mareyn wuxuuna ka dagaalamay dhul balaaran.

Cahill 7 – Wuxuu ahaa mid dhiiran wuxuna qeybtii horre iska caabiyay halistii King qeybtii danbena Afobe.

Azpilicueta 8 – Wuxuu ahaa heersare wuxuuna dabooolay dhul baaxad leh oo balaaran

Luiz 7 – Wali wuxuu wataa qaabkiisii wanaagsan ilaa hadana isbedelkiisa waa mid heersare ah.

Moses 7 – Ninkana aad ayuu u wanaagsan wuxuuna mar kale sii wataa qaabkii wacnaa ee uu soo bandhigay beryahan danbe.

Fabregas 8 – Wali wuxuu u ciyaarayaa si cajiib ah wuxuuna u dagaalamayaa booskiisa wuxuuna gacan ka geystay gool cawin.

Matic 7 – Maadaama kooxdisu wanaagsaneyd isagana wax cadaadis shakhsiyan ah lama kulmin wuuna fiicnaa

Willian 7 – Wuxuu kooxda Bournmouth ku dhibaateeyay dhaq-dhaqaaqiisa badan. wuxuu ahaa halis lugo leh.

Pedro 8 – Xaqiiqatan waa xidig aan aheyn midki sanadki horre. Wuxuu sameeyay isbedel weyn wuxuna dhaliyay goolal cajiib ah.

Hazard 9 (MOTM) – Caadi ma ahey labo gool ayuuna gacan ku lahaa. Wuxuu ahaa xidiga garoonka ugu fiicna.

 

Keydka:

Chalobah for Willian (83) 6

Aina for Moses (89) 5

Batshuayi for Hazard (90) 5

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: