Paul Scholes Oo Sheegay In Kooxda Manchester United Tahay Naadiga Ugu Cad-cad Ee Ku Guuleysan Kara Europa League

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa sheegay in kooxdiisu ay tahay kuwa ugu cad-cad ee ku guuleysan kara tartanka Europa League.

Kadib markii kooxdu guul kazoo gaartay dhigeeda Zorya Luahnski habeenkii xalay ahaa ayuu Scholes sheegay in ku adkeystay in kooxda Manchester ku guuleysan karto koobkan.

Scholes oo arintaasi ka hadlaya ayaa yiri, “Hadaan daacad u hadlo, kama walaac qabo kooxahan kale. Kooxda Manchester United waxay haysataa xidigo aad u wanaagsan.

“Waxey ciyaarayaan kubad heersare ah waxaana u maleyn waa kooxda uGu cadcad ee u sharaxan ku guuleysiga tartankan.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

 

“Waan arki doonaa sida ay wax noqdaan. Mana jirto hal koox oo aan wallaac ka qabo”

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: