Tuesday 21 November, 2017

Mourinho : Dan Kama Lihi Booska Aan Xilli Ciyaareedkaan Ku Dhameysaneyno Balse Hal Arin Ha Iga Fishaan Taageerayasaha United .

Tababare Jose Mourinhio ayaa u balan qaaday taageerayaasha kooxa United in sanadka cusub ee dhawaan dhalanaya ee 2017-ka uu u xanbaarsanaanayo kooxdiisa farxad iyo reyreyn.

United ayaa kulankooda soo socda waxa ay Isniita la ciyaarayaan kooxda Sunderland waxa ayna doonayaan in ay badiyaan.

Haddii kulankaas ay badiyaan United waxa ay Jose Mourinho u noqoneysaa guushii 4-aad ee isku xigta ee uu markii ugu horeysay tababare Jose la gaarayo kooxdaas tan iyo markii uu maamulkdeeda qabtay

Inkastoo United xaalad aan isu dheeli tirneyn ay ku jireen biloowgii xilli ciyaareedkaan hadana waxa uu Jose balan qaadayaaa taageerayaasha in sanadka cusub ay arkayaan United oo weji kale leh iyadoo ka hor kulankaas ay kooxdaas ku jirto booska 6-aad waxa ayna leeyihiin 30 dhibic

” Sanadka 2017-ka waxa ay taageerayaasha kooxda ay si weyn uga filan karaan hormar iyo guulo” ayuu yiri Jose Mourinho

” Dan kama lihin haddii xilli ciyaareedkaan ku dhameysanno booska 4-aad ama todobaad balse waxaan hubaa in sanadka bilaabanaya ay kooxda la soo baxeyso waji cusub” ayuu sii raaciyay Jose

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: