Messi Oo Saaxibadiisa Barcelona U Sheegay Kooxda Uu Kaga Wareegayo Haddii Ay Dhacdo In Uu Ka Huleelo ,Ma Aha Horyaalka Ingiriiska

Mustaqbalka Messi ee Barcelona ayaan weli kala cadeyn xilli kooxdaas dadaal ugu jiraan in hishiis cusub ka saxiixdaan laacibkaas .

Haatan ,wargeyska Elmundo Deportivo ayaa sheegeysa in Messi uu saaxibadiisa ugu dhaw ee Barcelona uu u sheegay horyaalka uu aadayo haddii ay dhacdo in uu ka huleelo kooxdaas

Labada dhinac ayaa haatan isku haya dhanka mushaarka sanadlaha ah ee uu laacibka ku qaadanayo hishiiskaas cusub waana midda keentay in wadahadaladda ay hakad galaan.

Chanel-ka TVE ee Spain ayaa laga soo xigtay in Messi uu saaxibo ku dhaw oo Barca ah uu u sheegay in uu aadayo horyaalka Shinaha haddii ay dhacdo in uu ka huleelo qalcadda Camp Nou .

Sidaas oo ay tahay Channelkaas ma sheegin saaxibadaas uu Messi ku sir qarsaday iyo kooxda uu horyaalka shinaha kaga biiri karo.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli dhawaan koox horyaalka Shinaha ah ay laacibkaas u soo bandhigeen mushaar halkii xilli ciyaareed uu ku qaadanayo mushaar gaaraya 100 milyan oo euro

Messi oo uu hishiiskiisa Barcelona dhacayo sanadka 2018-ka ayaa waxaa sidoo kale qarash waali ah ku dooneysa kooxda Man City ee horyaalka Ingiriiska.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: