Tuesday 21 November, 2017

MAQAAL: Real Madrid Oo Ku Baastay Tijaabadii Sanadkaan 2016, Maxaase La Filankaraa 2017?

Koobkii kooxaha aduunka waxaa uu ahaa koobkii ugu dambeeyey ee sanadkaan 2016 Real Madrid ay kusoo gaba gabeeysey tijaabadii ugu adkeeyd sanadkaan 2016, waxaana u harsan inay u diyaargaroowaan dagaalka sanadka cusub ee 2017.

Bishii lasoo dhaafay Real Madrid ayaa ciyaartay kulamo waa weeyn waxaana kamid ahaa kulankii El Classico oo bilowga bishaan la ciyaareen kooxda Barcelona ,waliba iyadoo ay maqanyihiin xidigo waa weeyn waxaana ay Real Madrid kulankaasi heshay natiijo muhiim ah.

Sidoo kale November waxaa ay booqdeen garoonka Vicent Calderon waxaana kulankaasi ka maqnaa ciyaaryahankooda Toni Kross.

Dhanka horyaalka La Liga, kooxda Los Blancos ayaa waxaa ay ku furtay si raaxo leh sanadkaan 2016 , waxaana ay hada hogaaminayaan horyaalka La Liga ,waxaana ay Real Madrid ku hogaamineysaa horyaalka seddex dhibcood , waxaana u harsan kulan baaqi ahaa.

Sidoo kale tijaabooyinka ugu adag ee ay martay kooxda Real Madrid waxaa kamid ah in Champions League la dheeshay kooxda Borussia Dortmund, waxaana ay kusoo baxday kulamada qaar si dhib badan.

Waxaa ay hada Real Madrid ku aaday Napoli wareega 16 Champions League maadaama muddo kadib markii ugu horeeysey booska labaad ugu soo baxday ciyaaraha Champions League.

Si walba kooxda lagu naaneeso Merengues ayaa ku dabaal degtay guulo raaxo leh sanadkaan 2016 ,waxaa sidoo kale jirta in qaar kamid ah xidigohooda muhiimka ah guulo ku raaxeeysteen.

Real Madrid waxaa kaliya u harsan in sanadka 2017 jibeyaan rikoorka ay sameeysey sanadkii lasoo dhaafay kooxda Barcelona kadib markii kooxdiis Enrique ay guuldaro la’aan ahayd 39 kulan,waxaana kooxda Real Madrid ay hada guuldaro la’aan tahay 37 kulan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: