Ka Hor Kulanka Wareegga 16-ka Champion-ka Ee Arsenal Iyo Munich : Arjen Robben Oo Ku Jees Jeesay Kooxda Wenger, Ujeedkooda Hal Arin Uun Ayuu Ku Gooban Yahay.

Kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich ayaa isku arkaya kullan ka tirsan wareegga 16-aad ee tartanka Champion-ka waana kullan aad u xamaasad badan

Garabka kooxda Bayern Munich ee Arjen Robben ayaa ka hadlay kulankaas oo uu xusay in uu noqonayo mid aad u adag .

Sidaas oo ay tahay waxa uu ku goodiyay in saaxibadda Ozil uu sugayo cadaadis maadaama ay doonayaan in markii ugu horeysay wareegga 8-da u gudbaan ka dib dhawor sanno

Waxa uu Robben tilaamay in hadafka Arsenal kaliya uu ku kooban yahay in ay u gudbaan wareegga Quarter-final-ka halka kooxdiisa u jeedkooda uu yahay in ay finalka gaaraan sida uu hadalka uu u dhigay

” Waxaan aaminsannahay in Arsenal uu sugayo cadaadis maxaa yeelay waxa ay dagaal u galayaan in wareegga 8-da gaaraan oo aysan muddo sanado ah gaarin balse anaga ujeedkeena waa in aan finalka gaarno ,waan garaceynaa waana hubaa in kulankaas noqonayo kullan adag” ayuu sii raaciyay Arjen Robben

Lugta 1-aad ee wareegga 16- ka Champion-ka ayaa waxaa lagu ciyaarayaa garoonka Munich 15-ka Feb halka kan xiga ee garoonka Arsenal uu dhacayo 7 -da March

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: