Ka Dib Markii Ay Soo Baxeen In Courtois Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Real,Chelsea Badalkiisa Ayay Ka Raadsanayaan Magaalada Milano

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Italy ayaa sheegaya in kooxda Chelsea ay si weyn uga fikarayaan in ay dalab ka geeyaan bisha dambe saxiixa goolhyaha Ac Milan ee Gianluigi Donnarumma

Arintaan ayaa imaaneysa xilli la xusayo in Chelsea uu ka huleelayo goolhaye Thibaut Courtois kaasi oou muuqda mid ay ka go`an tahay in uu ku biiro Real marka xilli ciyaareedka uu dhamaado

Sida Bogga Italy Football sheegayo goolhayah Milan ayaa ugu sharaxan in uu ku biirayo Chelsea kuwaas oo damacsan in ay wadahadallo haatan la bilaabaan kooxdaas ka dhisan qalcadda San Siro

Chelsea ayaa dooneysa in ay ka faa`ideystaan AC Milan oo aan weli hishiis kordhin la gaarin goolhaye Gianluigi Donnarumma kaasi oo midkiisa haatan uu dhamanaayo sanadka 2019-ka

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Goolhaye Courtois ayaa ilo wareedyo ku dhaw sheegayaan in saaxibadiisa kooxdas Chelsea uu ku war giliyay in uu u wareegayo kooxdaas ka dhisan caasimadda Spain ee Real Madrid

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: