Dib-u-Eegid+Rasmi: Cristiano Oo Rikoor Dhigtay Kadib Caawa Markuu Ku Guuleystay Kubada Dahabka Ah

Waxay France Football caawa bixinaysay abaal marinta Ballon d’Or oo ay markii uGu horaysay shan sano ku keliyowday kadib markii heshiiskoodii FIFA dhamaaday waxaana abaal marintan loo caleemo saray Cristiano Ronaldo oo dadka intiisa badan iska sii ogaayeen inuu ku guuleysan doono.

 

Hadaba kooxda.com ayaa xusaysa in Ronaldo yahay xidigii 1aad ee kooxda Real Madrid u ciyaara abid oo afar jeer ku guuleysta abaal marinta kubada dahabka. Waxaana kaliya xidigan guud ahaan ka horeeya Lionel Messi oo abaal marintan 5 jeer ku guuleystay.

 

Ronaldo ayaa kooxdiisa Madrid iyo qarankiisa Portugal u dhaliyay 101 gool isaga oo mudadaasi saftay 110 kulan wuxuuna kula guuleystay UCL iyo Euro 2016 siday u kala horeeyaan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: