Dib U Eegid : Laba Arin Oo Man United Si Xooggan Uga Caawin Karta In Ay Helaan Saxiixa Antoine Griezmann

Kooxsda United ayaa aad u dooneysa in ay la soo hishiiyaan weeraryahanka Atletico Madrid ee Antoine Griezmann waxa ayna damacsan yihiin in ay halaan xagaaga dambe

Wargeyska Metro ayaa sheegeysa in United aad ugu rajo weyn yihiin in wiilkaas reer France helayaan marka xilli ciyaareedka dhamaado waxa ayna u cuskanayaan oo arintaas ka caawin karta laba arin .

United waxa ay haminayaan macalinka Atletico Madrid ee Diego Simeone uu kooxdaas ka huleelo marka xilli ciyaareedkaan dhamaado waana arin aad loogu badinayo waxa ayna aamisan yihiin in taasi ay laacibkaas ku qasbeyso in uu ka huleelo kooxdaas reer Spain

Arinta labaad ayaa ah ,United ayaa ku cadaadineysa xiddigooda Pogba oo ay laacibkaas saaxibo yihiin in uu ku qanciyo in uu u soo wareego United

Antoine Griezmann waxa uu marar badan sheegay ” waxaan mar waliba Pogba ka wareeystaa United waayo waa koox wacan , waana ka helaa ka garab ciyaaridda Pogba”.

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in hishiiska Antoine Griezmann ee Atletico Madrid uu dhacayo xagaaga 2021-ka balse kooxdaas United diyaar ayay leeyihiin in ay bixiyaan qarashka lagu bur buri karo

Laacibkaas waxaa sidoo kale doonaya kooxaha City , Arsenal iyo PSG kuwaasi oo muddo isha ku hayay 25 sano jirkaas

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.